Bayern Munich Oo Guul Muhiim Ah Dib Ugu Bilaabtay Bundesliga Iyo Mishiinka Gool Dhalinta Lewandowski Oo Wacdarihiisii Sii Waday.

Bayern Munich ayaa guul muhiim ah dib ugu bilaabatay horyaalka Bundesliga waxayna u jawaabtay kooxda kaalinta labaad kujirta ee Borussia Dortmund oo shalay guul wayn ka sii gaadhay Schalke.

Bayern Munich ayaa marti u ahayd kooxda Union Berlin wuxuuna noqday kulan ay kooxda Bavaria ku muujisay in ayna hoos u dhac soo samayn labadii bilood iyo dhawrkii maalmood ee ay garoomada kubbada cagta ka maqnayd.

Bayern Munich oo hal dhibic ka saraysay kooxda Borussia Dortmund kadib guushii shalay ayaa markeeda soo ceshatay hogaankii afarta dhibcood ahaa ee ay Bundesliga ku haysay.

Bayern Munich iyo Berlin ayaa ku ciyaaray garoon gabi ahaanba ay albaabadu u xidhan yihiin laakiin awooda kooxda Bayern Munich ayaa wali ah mid u muuqata in ay markii siddeedaad oo xidhiidh ah ku guulaysan doonto koobka horyaalka Jarmalka.

Shixihii Labada Kooxood Ee Kulankan

BAYERN XI (4-2-3-1): Manuel Neuer (c); Benjamin Pavard, Jerome Boateng, David Alaba, Alphonso Davies; Joshua Kimmich, Thiago Alcantara; Thomas Muller, Leon Goretzka, Serge Gnabry; Robert Lewandowski.

Badalkii: Michael Cuisance, Alvaro Odriozola, Lucas Hernandez, Joshua Zirkzee, Kingsley Coman, Ivan Perisic, Sven Ulreich, Lars Lukas Mai.

UNION XI (3-4-2-1): Rafal Gikiewicz; Florian Hubner, Keven Schlotterbeck, Neven Subotic; Christopher Trimmel (c), Robert Andrich, Grischa Promel, Christopher Lenz; Marcus Ingvartsen, Marius Bulter; Anthony Ujah.

Image

Badalkii: Christian Gentner, Felix Kroos, Joshua Mees, Moritz Nicolas, Ken Reichel, Michael Parensen, Julian Ryerson, Sebastian Polter, Sebastian Andersson.

Daqiiqadii 19 aad Bayern Munich ayaa isku aragtay in ay dhalisay goolkeedii ugu horeeyay ee soo laabashada Bundesliga laakiin VAR ayaa ka beeniyay gool uu dhaliyay Goretzka.

Balse daqiiqadii 40 aad Robert Lewandowski ayaa Bayern Munich u dhaliyay goolka furitaanka oo rekoodhe ahaa wuxuuna ahaa goolkiisii 26 aad ee horyaalka Bundesliga uu xili ciyaareedkan ka soo dhaliyay.

Difaaca kooxda Union ee  Subotic ayaa qalad ku galay Goretzka taas oo keentay in dhamaadkii qaybtii hore Bayern Munich lagu abaal mariyay rekoodhe kaas oo uu Lewy u badalay goolka ay hogaanka ku qabteen.

Robert Lewandowski ayaa sidaa ku gaadhay goolkiisii 40 aad ee xili ciyaareedkan ee tartamada oo dhan waana heer gool dhalin cajiib ah oo uu xidiga reer Poland markale muujinayo.

Qaybtii labaad markii layskugu soo laabtay waxay Bayern Munich raadinaysay goolal kale si ay ciyaarta hurdada ugu dirto balse waqti dheer ayay hubanti la’aan ku jirtay natiijada ciyaartu oo ay kooxda Union Berlin soo laabasho raadinaysay.

Daqiiqadii 80 aad waxaa Bayern Munich goolka labaad ee ay guusha sida rasmiga ah ugu xaqiijisatay u saxiixay Benjamin Pavard kaas oo caawin ka helay Kimmich waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Bayern dhulka ku dhigatay kooxda ay martida u ahayd ee Berlin.

Kooxaha Bayern Munich iyo Berlin ayaa adeegsaday sharciga cusub ee lagu soo kordhiyay kubbada cagta ee kooxaha u ogolaanaya in ay samayn karaan in ka badan min saddex isbadal waxayna wada jir labadan kooxood u sameeyeen 8 badal.

Guusha ay Bayern Munich gaadhay waxay ka caawisay in ay hogaanka Bundesliga ku qabtaan 58 dhibcood iyaga oo ka sii hor siqay Borussia Dortmund oo kaalinta labaad ugu jirta 54 dhibcood.

Si kastaba ha ahaatee, Bayern Munich ayaa saddex dhibcood oo muhiim ah dib ugu bilaabtay horyaalka ay koobkiisa difaacanayso ee Bundesliga iyada oo  Lewandowski uu sii xoojistay tartanka kabta dahabka ah.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook