Bayern Munich Oo Cashar Lama Ilaawaan Ah U Soo Dhigtay Borussia Dortmund Iyo Bavaria Oo Sahlan Ku Soo Qaadatay Saddexdii Dhibcood Ee Kulanka Der Klassiker.

Kooxda Bayern Munich ayaa guuldaro xanuun badan soo baday kooxda Borussia Dortmund oo ay waliba garoonkeeda Signal Iduna Park marti ugu ahayd waxayna kooxda Bavaria ee wacdaraha cusub la soo baxday ay guushan ku soo gaadhay 3-1 iyada oo waliba Dortmund goolka kaliya keensatay dhamaadkii ciyaarta.

Kulanka kubbada cagta Germany ugu wayn ee  Der Klassiker ayaa laga filayay in natiijo intan leeg aan lagu kala badinayn laakiin kooxda uu  Jupp Heynckes  dhiiga cusub ku shubay ee Bayern Munich ayaa xili horeba jilbaha u laabtay Dortmund waxayna Bayern sii wadataa horumarka ay ku hoos samaynayso macalinkeedii hore ee  Jupp Heynckes  kaas oo Carlo Ancelotti markii shaqada laga caydhiyay Allinz Arena ula wareegay si uu Bavaria u badbaadiyo.

Arjen Robben ayaa noqday xidigii abid ugu horeeyay ee Bayern Munich u ciyaara ee ka mid ah ciyaartoyda ajnabiga ah ee goolasha ugu badan u dhaliyay Bayern kadib markii uu daqiiqadii 16 aad ee kulankii Dormtund uu dhaliyay goolka ay Bayern Munich dhiiro galinta badan ka heshay.

Laakiin daqiiqadii 37 aad Borussia Dortmund ayaa hubkeedii lagu garaacay kadib markii uu , Robert Lewandowski uu kooxdiisa Bayern Munich u dhaliyay goolka labaad isaga oo markale ugaadhsaday kooxdii uu Bayern Munich kaga soo biiray ee Dortmund.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay Bayern Munich awooda sare ku lahayd isla markaana ay Dortmund ugu fashilantay in iyada oo garoonkeeda joogta ay awoodi wayday in ay gaadho shabaqa Bayern Munich.

Daqiiqadii 67 aad David Alaba ayaa ciyaarta hurdada u diray kadib markii uu Bayern Munich u dhaliyay goolka saddexaad ee niyadjabka wayn ku sii abuuray Dortmund oo doonaysay in ay ciyaarta ku soo laabto waxayna markan noqotay mid natiijada ciyaarta lagu kala calaf qaaday.

Daqiiqadii 88 aad ee dhamaadkii ciyaarta Dortmund ayaa la timid goolka calanka waxaana goolkan u dhaliyay difaaca Bartra waxayna ciyaartu ku dhmaaatay 3-1 ay Bayern Munich ku soo dubatay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Dortmund.

Guushan ayaa Bayern Munich ka caawisay in ay 26 dhibcood ku qabtay hogaanka koobkiisa ay iska yeelatay ee Bundesliga waxayna afar dhibcood sare uga baxday kooxda RB Leipzig oo kaalinta labaad ugu jirta 22 dhibcood.

Comments

comments