Bayern Munich Oo Dhulka Ku Jiiday Real Madrid, Mid Kamida Saxeexyadii Cusbaa Ee Madrid Oo Gool Dhaliyay & Zidane Oo Ay Wali Shaqo Weyni Sugayso.

Kooxaha Bayern Munich iyo Real Marid ayaa fooda isku daray dalka Maraykanka kulan saaxiibtinimo oo qayb ka ah tartanka ICC waxaana guul 3-1 ah gaadhay xiddigihii uu hoggaaminayay tababare Niko Kovac.

Labada kooxood ayaan qaybtii hore ee kulankan waxba iskula hadhin waxaana ay koox kastaa kusoo shirtagtay horaantii ciyaarta shaxdii ugu xooganayd ee ay awooday.

Shaxihii Labada Kooxood Ee Kulanka

Real Madrid: Courtois, Varane, Ramos, Carvajal, Marcelo, Kroos, Modric, Isco, Asensio, Hazard, Benzema

Bayern Munich: Neuer, Kimmich, Boateng, Martinez, Alaba, Alcantara, Tolisso, Coman, Sanches, Arp, Muller

Hazard ayaa ahaa xiddiga kaliya ee kamida saxeexyada cusub ee Real ee kusoo bilawday kulankan halka Mendy, Rodrygo iyo Jovic ay dhammaantood bedel kusoo galeen qaybtii dambe markii uu Zidane gabi ahaanba bedelay shaxdii hore.

SIDOO KALE AKHRISO:  Liverpool Oo Jawaab Ka Dalbatay UEFA Ka Dib Markii Uu Taageere Dhaawacay Goolhaye Adrian & Liverpool Oo Musiibo Kale Ay Soo Wajahday

Saddexda gool ee kulankan ayay Bayern u kala dhaliyeen Corentin Tolisso, Robert Lewandowski iyo Serge Gnabry halka goolka Madrid uu dhaliyay saxeexa cusub ee Rodrygo isla markaana goolhaye Ulriech Bayern casaan laga siiyay daqiiqadii 81-aad.

Goolka furitaanka ayuu daqiiqadii 15-aad dhaliyay Tolisso kaas oo isku daygiisii hore kaddib kubad uga timid Coman uu goolhayuhu ka badbaadiyay balse si deg deg ah ugu celiyay kubadda.

Lewandowski ayaa goolka labaad ee Bayern la yimid kaddib markii uu xakameeyay baas dheer oo uga yimid Sule isla markaana uu xagal hoose ka dhaliyay kubadda laba daqiiiqo kaddibna Gnabry ayaa dilay rajadii Los Blancos isaga oo goolka saddexaad dhaliyay kahor inta uusan Rodrygo gool usoo celinin wiilasha Zidane.