Barcelona Waa Guriga Neymar Jr-Sarkaalka Barcelona U Qaabilsan South America Ee Andre Cury Oo Hadalkii Ugu Cadaa Ka Sheegay Neymar JR.

Sarkaalka Barcelona u qaabilsan South America ee Andre Cury oo dhawaan la sheegay in uu magaalada Barcelona kulan kula yeelanayo Neymar Jr aabihii iyo qareenkiisa ayaa war cad sheegay kadib markii uu daawaday kulankii Brazil iyo Argentina ee Copa America.

Andre Cury ayaa ah shaqsiga Barcelona u qaabilsan dalka Brazil balse ku lug yeeshay wax walba oo ay uga baahdaan South America waxaana la waydiiyay warkii laga sheegay ee ahaa in uu taladaadadii magaalada Barcelona kula balansanaa Neymar Jr aabihii iyo qareenkiisa.

Inkasta oo kulankii la filayay in uu magaalada Barcelona ku dhex maro Andre Cury iyo Neymar jr aabihii oo uu qareenkiisu wehelinayo haddana, Andre Cury ayaan beenin warkan wuxuuna kaga jawaabay arin xataa dahabka ku sii shiday wararka suuqa Neymar Jr.

Markii Andre Cury la waydiiyay waxa ka jira wararkii sheegayay in uu Neymar Jr aabihii iyo qareenkiisa la kulmayo oo ay Neymar ka wada xaajoonayaan waxa uu ku jawaabay: “Barcelona waa guriga Neymar”.

Hadlka Andre Gury waxa uu cadeeyay in uu ka shaqaynayo qaabkii uu Neymar Jr ugu soo laaban lahaa kooxdiisii hore ee Barcelona isaga oo aan xataa beenin in uu kulan la yeelanayo aabaha dhalay Neymar.

Inkasta oo wada xaajoodka PSG, Barcelona iyo Neymar jr uu si buuxda gacanta ugu hayo madax wayne Josep Maria Bartomeu, haddana Andre Gury ayaa ah sarkaalka Barcelona u fududaynaya in ay guul ka gaadhaan soo laabashada Neymar.

Iyada oo Neymar jr aabihii uu hadda ku sugan yahay dalka Brazil isla markaana uu Andre Gury joogo isla wadanka Brazil, waxaa sii kordhaysa suurtogalnimada ay si sahlan ugu kulmi karaan oo ay arinta Neymar uga wada xaajoon karaan.

Warar cusub oo soo baxay ayaaba sheegaya in Andre Gury iyo Neymar Jr aabihii ay sabtidii dalka Brazil kulan ku qaateen, laakiin Josep Maria Bartomeu ayaa doonaya in uu si shaqsi ah u maamulo wada xaajoodyada Neymar jr.

Magaca Andre Gury ayaa noqday mid caan ah isla markaana ay warbaahintu ku hadal hayso doorka uu ku leeyahay in uu Neymar jr ku soo laabanayo Barca waxaana la filayaa in sida uu hadalkiisa u cadeeyay uu dadaalkiisa u sii wadayo.