Barcelona Oo Xulatay Weeraryahanka Bedelka Buuxa U Noqonaya Luis Suarez & Madaxda Suuqa Barca Oo Ku Qancay Kaddib Markii Ay Daawadeen.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay go’aamiyeen weeraryahanka ay doonayaan inuu sida rasmiga ah u bedelo xiddigooda haatan ee Luis Suarez kaas oo dabayaaqada waayihiisa ciyaareed kusii siqaya.

Barcelona ayaa go’aan ku gaadhay inay bedelka Suarez u xushaan Luka Jovic oo wacdarro ku dhigaya kooxda Eintracht Frankfurt waxaana ay go’aaankan gaadheen kaddib markii ay qaab ciyaareedkiisa kulamo dhawr ah soo daawadeen.

Eric Abidal oo kamid ah madaxda suuqa ee Barcelona iyo laba kamid ah caawiyayaashiisa ayaa soo ansixiyay lasoo saxeexashada Jovic waxaana uu kulankii ugu horreeyay ee ay daawadeen uu ahaa midkii Eintracht Frankfurt iyo Inter Milan ee Europe League.

Dhinaca kale saxaafada dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Jovic uu yahay xiddiga booska ugu fiican u fadhiya u wareegista Camp Nou sidoo kale waa dookha madaxda kooxda.

Jovic ayaa wali muujinaya awoodiisa ciyaareed ee uu ku bandhigayo Eintracht walow uu wali yahay mid amaah ku ah iyaga qudhooda oo kasoo maqan kooxda SL Benfica.

Eintracht Frankfurt ayay ka go’antahay inay si rasmi ah ula saxeexdaan weeraryahanka ree Serbia waxaana ay ku qasbanaan doonaan inay 20 Milyan siiyaan kooxdiisa rasmiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, Mustaqbalka Jovic ayaan ahayn mid cad, Barca ayaa doonaysa inay si weyn ugu dagaalamaan saxeexiisa halka Eintracht ay ku tashanayso inay sii ceshato.