Barcelona Oo Xidhiidh La Samaysay Tababare Magac Weyn Oo Imika Shaqo La’aan Ah & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Advertisements

Asslamu Callaykum Waraxmatullahi Wabarakatu, Dhammaan akhristayaasha sharafta leh ee shabakaga Gool24 kusoo dhawaada xubinteenii wararka suuqa kala iibsiga iyo xogihii ugu dambeeyay ee ay saxaafada kala duwani ka qortay.

Waxaanu halkan hoose idiinku soo koobnay wararka suuqa ee qaarada Yurub kuwoodii ugu muhiimsanaa ee ay warbaahinta kala duwani maanta oo Isniin ah ay ka qoreen kubadda cagta.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Tottenham Hotspur khadkeeda dhexe ee Christian Eriksen ayaa heshiis afar sano iyo dheeraad ah la gaadhay kooxda Inter Milan, Spurs ayaa doonaya lacag 17 Milyan ah haddii ay bishan January iibinayaan xiddiga ree Denmark.. (La Gazzetta dello Sport – in Italian)

Barcelona ayaa xidhiidh la samaysay tababare Mauricio Pochettino si ay ugu bedesho Ernesto Valverde oo cadaadis saaran yahay, Pochettino ayaa shaqo la’aan ah tan iyo markii laga caydhiyay Tottenham.. (Catalan radio station RAC1, via AS)

Chelsea ayaa isku day ku samaysay saxeexa daafaca dhexe ee kooxda Brighton ee Lewis Dunk xilli ay kooxda lagu naanayso Seagulls 50 Milyan ku qiimeeyaan 28 jirkoodaas.. (Times – subscription required)

Manchester United ayaa dalab 65 Milyan ah oo gunnooyin lagu daray ka gudbin doonta Bruno Fernandes oo Sporting Lisbon ka tirsan kaddib markii dalab lacag ciyaartoy lagu daray ahaa laga soo diiday. (Mirror)

Manchester United ayaa kamid ah laba kooxood oo dalab afka ah ka gudbiyay xiddiga kooxda Brighminham ee Jude Bellingha oo 16 sano jir ah. (Mirror)

Khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee Jack Graelish ayaa bar-tilmaameed u noqday kooxda Manchester City balse waxa ay tartan kala kulmi kartaa kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Manchester United. (Metro)

Wolves tababaraheeda Nuno Espirito Santo ayaa garabka Atletico Madrid ee Thomas Lemar ka dhigtay bar-tilmaameedkiisa koowaad xilli ay sidoo kale kooxaha Arsenal, Tottenham iyo Chelsea baadigoobayaan saxeexiisa. (Goal)

Wakiilka daafaca Arsenal ee Shkordan Mustafi ayaa wadahadalo la yeelan doona kooxda Galatasaraay si uu ugala hadlo suurogalnimada uu 27 sano jirkaasi ugu wareegi karo kooxda ree Turkey. (Fotomac – in Turkish)

Juventus daafaceeda Merih Demiral oo lala xidhiidhinayay Arsenal ayaa xalay sariir looga dhex qaaday garoonka kulankii ay 2-1 kaga soo guuleysteen Roma, Tababare Sarri ayaa ka cabsi qaba in xiddigaasi uu gaadhay dhaawac xun oo canqawga ahi. (Football.London)

Chelsea ayaa weeraryahanka kooxda Tromso iyo xulka Norway ee da’doodu ka yartahay 17 ee Bryan Fiabema oo 16 jir ah ka dhigaysa saxeexeedii ugu horreeyay ee tan iyo markii ganaaxa laga qaaday. (VG – in Norwegian)

Advertisements

AC Milan ayaa go’aansatay inay doonayaan saxeexa goolhayaha Bournemouth ee Asmir Begovic si ay ugu badalaan Pepe Reina halkiia ay kala saxeexan lahaayeen Joe Hart oo Burnley ka tirsan.

Advertisements