Barcelona Oo War Farxad Leh Ka Helaysa Xerada Tababarka Tottenham & AFAR Kamid Ah Xiddigaha Spurs Oo Seegaya Kulanka Wembley Stadium.

Kooxda Tottenham ayuu usoo yeedhayaa war aan u fiicnayn dhagaha mucaashaqiinta iyo jamaahiirta kooxdaas kaddib markii daaha laga qaaday afar kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxdaas oo la filayo inay gabi ahaanba seegaan kulanka ay dhawaan Barcelona qaabili doonaan.

Warkan ayaa dhinaca kale farxad gelinaya kooxda tababare Ernesto Valverde oo diyaar u ah inay kulankan kasoo kabtaan natiijo xumo soo food saartay kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddigaha kala ah Christian Eriksen, Mousa Dembele iyo Jan Vertonghenoo dhammaantood muhiim u ah safka Mauricio Pochettino ayaa seegay tababarkii ugu dambeeyay ee ay kooxdu iskugu diyaarinaysay kulankan.

Delle Ali oo sidoo kale seegay kulankii furitaanka ee Inter Milan ayaa ay hubaanti tahay inuu markale seegi doono kulankan waana war aan u wacneyn jamaahiirta Spurs oo rajo weyn ka qabay inay ka faa’ideystaan xaalada xun ee ay Barca gashay kulamadii ugu dambeeyay isla markaana ay kasoo kabtaan guuldaradii Milano kusoo gaadhay.

Warka kaliya ee wanaagsan ee Tottenham uga soo yeedhay xeradeeda tababarka ayaa ah inuu tababarka kusoo laabtay goolhayaha ahna kabtanka kooxdaas ee Hugo Lloris oo dhaawac bowdada ah ku seegay kulamadii ugu dambeeyay.