Barcelona Oo Wajihi Doonta Dhibaato Xoogan, Kahor Kulanka Spanish Super Cup Ay Ku Wada Ciyaari Doonaan Kooxda Sevilla.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ee Barcelona ayaa isku diyaarineysa kulanka ay ku bilaaban doonto xili ciyaareedka cusub ee 2018/2019, kasoo ay kula ciyaari doonto maalinta Axada soo aadan kooxda Sevilla koobka Spanish Super Cup.

Blaugrana ayaa ku guuleesatay inay sameesayo suuqan xagaaga dhowr saxiix muhiim ah, sida laacibkii hore kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Chile Arturo Vidal iyo sidoo kale da’ayarka reer Brazil ee Arthur Milo kaasoo leh awood farsamo ee aad u wanaagsan.

Waxaa intaas sii dheer Barcelona ayaa isla suuqan xagaaga lasoo saxiixatay da’ayarka reer Brazil ee Malcom, waana sababta ay Blaugrana u wajihi karto qalalaaso xoogan kahor kulanka Spanish Super Cup, waxaana arintan tooshka ku ifiyay wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia, kahor koobka Spanish Super Cup ee Axada lagu ciyaari doono dalka Morocco.

Dhibaatada heysata kooxda Barcelona ayuu ku sheegay wargeyska “Sport” kahor kulanka koobka Spanish Super Cup ay kula ciyaari doonaan dhigooda Sevilla inay tahay in Blaugrana ay ku sugan yihiin 4 ciyaaryahan ka yimid meel ka baxsan Midowga Yurub ee kala ah Philippe Coutinho,  Arturo Vidal, Arthur Milo iyo Malcom.

Kooxda ku ciyaarta garoonka Cump Nou ayaa heysata kaliya 48 saacadood si ay u xaliso dhibaatadan, midkood waxay ku xalin kartaa in Philippe Coutinho uu qaato baasaboorka dalka Portugal, maadaama gabadha saaxiibtiis ah ay kasoo jeedo dalka Portugal.

Arinta kale ay kooxda Barcelona ku qasbanaan doonto ayaa ah in macalinka reer Spai ee Ernesto Valverde uu qorshihiisa ka reebo midkood afartan ciyaaryahan ee kor ku xusan, kan ugu dhow ayaana ah Philippe Coutinho maadaama uu dhawaan qeyb kasoo noqday xerada tababarka ee kooxda reer Catalonia maadaama uu ku maqnaa fasaxii dheer kadib ka qeyb galkiisa koobka aduunka 2018.