Barcelona Oo U Muuqata Mid Hal Dhagax Laba Shinbirood Kuwada Dilaysa, Heshiiska Siyaasadaysan Ee Ay Kylian Mbappe Ku Doonayaan & Real Madrid Oo Ay Qaab Cajiib Ah Qorshe Uga Xumaynayaan.

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid ku kacaysa qorshe cajiib ah oo ay ku doonayso inay dhinacna iyadu faa’ido ka dhaliso dhinaca kalena ay qorshe ka xumayso kooxda ay sida weyn ugu xifaaltamaan kubadda cagta ee Real Madrid.

Heshiiskan ayaa ah mid ay Barcelona ku doonayso saxeexa xiddiga kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka France ee Kylian Mbappe iyaga oo hub ahaan u adeegsanaya Philippe Coutinho oo u muuqda mid aan haatan kooxdeeda ku qanacsanayn.

Sida laga soo xiganayo Don Balon, Blaugrana waxa ay doonaysaa inay Coutinho u bandhigto dhigeeda PSG si ay uga hesho Mbappe iyadoo waliba ugu daraysa lacag.

Heshiiskan ayaa marka si loo eego u muuqda mid labada dhinacba anfacaya maadaama Neymar JR oo PSG qayb ka ah uu saaxiib dhaw la yahay Coutinho oo uu jeclaan lahaa inuu xiddiga ay dhalashada wadaagaan kula soo biiro kooxda ree Paris.

Neymar ayaa ku nagaan kara Paris Saint-Germain haddiiba ay kooxdiisu u keento Coutinho oo uu dhawr jeer hore ugula taliyay inay lasoo wareegaan wakhtigii uu ku sugnaa kooxda Liverpool.

Ugu dambayn, Qaabka uu heshiiskani u noqon karo mid hal dhagax laba shinbirood lagu wada dilay ayaa ah in Barca ay ku xanibi karto Real Madrid oo doonayso Neymar isla markaana ay Coutinho u diri karto Paris si ay uga hor tagto heshiiskaas oo dhaca.