Barcelona Oo U Dhaqaaqeysa Soo Xero Galinta Xidig Ka Tirsan Liverpool Si Ay Ugu Xoojiyaan Difaacooda

Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku heyso difaaca bidix ee Liverpool una dhashay qaranka Spain Alberto Moreno sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gudaha dalka Spain.

Natiijada sawirka alberto moreno barcelona

Sida uu daabacay wargeyska Caanka ah ee Mundo Deportivo, Barcelona ayaa suuqa ka baadi goobeysa xidig dambeedka bidix ka ciyaara misana leh tayo sare waxaana hada ay ka fikiayaan suurtagal nimada ya ku soo qadan karaan Alberto Moreno.

Natiijada sawirka alberto moreno

Moreno ayaa ku qaadanaaya Anfield sanadkiisii Shanaad , waana xidig wali mustaqbal leh madaama uu yahay 26-jir hadana inta badan fursadahiisa Safka hore mahan kuwa yaala kooxda kubada cagta ee Liverpool waxaadna ka fahmi karata kaliya tirada ciyaaraha uu ka soo muuqday oo ah 137 Kulan dhamaan tartamada oo dhan.

 

Moreno waxaa ka dhiman qandaras kiisa kooxda wax ka yar hl sano , waxana la tilmaamayaa in xidigii hore ee Sevilla uu leeyahay tayo uu ku badali karo wiilka ay dhalasho wadaaga yihiin ee Jordi Alba.

Natiijada sawirka alberto moreno and jurdi alba

Si kastaba ha ahaatee dambeedkan bidix ayaa lo badinaya in uusan doneeyn in uu qandaraska u kordhiyo kooxdiisa Liverpool , waxana uu ku qasban yahy in uu go’aaan ka gaaro mustaqbalkiisa maalmaha soo socda si uu suuqa January koox ugu biiiro Kooxdii xiiso usoo bandhigto isaguna uu dooqdo.

Natiijada sawirka alberto moreno and matip