Barcelona Oo Taariikh Ka Dhigtay Kulankii Inter Milan Iyo Waxyaabihii Muhiim Ka Ahaa Ee Loo Diwaan Galiyay.

Kooxda Barcelona ayaa xalay u soo baxday wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League waxayna noqotay kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan u soo baxday wareegyan iyada oo 15 kooxood oo kale ay dagaal soo gali doonaan si ay Barcelona wareegan ugula soo biiraan.

Laakiin kulankii xalay ee ay Barcelona barbaraha la soo gashay kooxda Inter Milan waxaa looga diwaan galiyay waxyaabo muhiim ah iyada oo taariikh cajiib ah ka samaysay kulankii San Siro ee uu Mauro Icardi ka beeniyay guushii ay soo gaadhi lahayd kadib goolkii Malcom.

Malcom ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee UEFA Champions League u saftay Barcelona laakiin taabashadii ugu horaysay waxa uu ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Champions League wuxuuna sheegay in ay sii soconayso riyadiisa Barcelona.

Inter Milan ayaa haysata fursad wayn oo ay iyaduna ugu soo bixi karto wareega 16ka kooxood ee Champions league inkasta oo ay cadaadis kala kulmayso Tottenham oo ay xalay rajaeeda soo noolasay kadib markii guul soo laabasho ah ka gaadhay PSV.

Taariikhda Barcelona looga diwaan galiyay kulankii Inter Milan ayaa ah in markii ugu horaysay tan iyo markii shirkada Opta ay bilawday ururinta xogta kubbada cagta in ay Barcelona noqotay kooxdii ugu horaysay ee kulan Champions League ah ka samaysay darbooyinkii ugu badnaa.

Barcelona ayaa 26 darbo ku gantay goolka Inter Milan waana tiradii darbooyin ee ugu badnaa tan iyo 2003/04 kii markaas oo ay shirkada xog ururinta kubabda cagta ee Opta bilawday in ay diwaan galiso xogta kubbada cagta ee sida wayn hadda loogu tiirsan yahay.

Barcelona ayaa sidoo kale awooday in ay xili ciyaareedkii 15 aad oo xidhiidh ah u soo baxday wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League waxayna sii wadaa in ay dhaqan ka dhigatay in ay xili horeba ka so gudbubto heerka groupyada UCL.

Barcelona ayaa 10 dhibcood ka heshay afartii kulan ee ugu horeeyay heerka Groupyada Champions League waxayna soo baxday iyada oo laba kulan u hadhsan yihiin waxayna u sii tartami doontaa in ay kaalinta kowaad ee Groupkan ay xaqiijisato.