Barcelona Oo Si Layaableh Hogaanka Ugu Qabtay Tartanka Harry Kane Loogu Jiro Iyo Real Madrid Oo Ay Walwal Xoogan Ku Abuurtay.

Gool dhaliyaha xulka qaranka England iyo kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa waqti dheer lala xidhiidhinayay kooxaha Real Madrid iyo Manchester United laakiin iyada oo maamulka kooxda Tottenham ay meel adag iska taageen bixitaanka Kane ayay haddana soo baxeen warar cusub oo sheegaya in Barcelona ay hadda noqotay kooxda ugu cad cad ee la wareegi karta Kane.

Harry Kane ayaa ka mid ah gool dhaliyaasha weerarka dhexe ee waqti xaadirkan aduunka ugu fiican waxayna Barcelona suuqa ugu jirtaa sidii ay ku heli lahayd xidig si buuxda badal ugu noqon kara Luis Suarez oo hadda galay xaaldihii ugu danbeeyay ee heerkiisii ugu fiicnaa.

Wargayska Epress ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa shaaciyay in fursada ay Barcelona kula wareegi karto Harry Kane ay si layaableh u noqotay 2/1 halka fursad ay Real Madrid kula wareegi karto lagu sheegay 9/4 waxaana jira farqi wayn oo u dhexeeya labada kooxood.

Manchester United ayaa bilo badan doonaysay saxiixay Harry Kane laakiin hadda waxaa uga muhiimsan sidii ay marka hore ku heli lahayd tababare joogta ah kadib markii ay shaqada ka caydhiyeen Jose Mourinho waxaana liiska tababaryaasha ay doonayso ka mid ah macalinka Harry Kane tayadiisii ugu fiicnayd ka soo saaray ee Mauricio Pochettino.

Laakiin sanadkii la soo dhaafay Real Madrid ayaa ahayd kooxda inta ugu badan lala xidhiidhinayay Harry Kane iyada oo Florentino Perez aanu wali ka quusan in uu Tottenham kala soo wareego xidig kale oo muhiim ah kadib saxiixyadii Luka Modric iyo Gareth Bale.

Laakiin wargayska Express ayaa sheegay in Madrid uu gilgilay warka sheegaya in Barcelona ay tahay kooxda ugu cad cad ee la wareegi karta Harry Kane. Barca ayaa hore Coutinho uga bixisay lacag dhan 160 milyan euros, waxaana la filan karaa in ay markale lacag badan ku kharash garayn karto badalka Luis Suarez.