Barcelona Oo Qorsheynaysa In Labada Todobaad Ee Soo Socda Ay Ugu Dhawaaqday Hehsiiska Antoine Griezmann Iyo Wargayska AS Ee Madrid Ka Soo Baxa Oo Wax Ka Qoray.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa tan iyo xagaagii hore si wayn u doonayay saxiixa xidiga kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France ee Antoine Griezmann, laakiin markan Barca ayaa qorshaynaysa in ay labada todobaad ee soo socda ku soo gaba gabayso heshiiska ay kula soo wareegayso Griezmann.

Wargayska AS ee ka soo baxa magaalada caasimada ah ee Madrid ayaa qoray in maamulka Barcelona ay qorshaysteen in heshiiska Griezmann ay ku dhawaaqaan labada todobaad ee soo socda iyada oo la xaqiijiyay in heshiiska Barca iyo Griezmann uu yahay mid dhamaystiran.

Warbixinta AS ayaa lagu sheegay in agaasimaha ciyaaraha Barcelona ee Robert Fernandez uu heshiiska Griezmann ka shaqaynayay bilihii la soo dhaafay halka madax waynaha Barcelona ee Josep María Bartomeu oo hore u qiray in uu la kulmay wakiilka Griezmann uu arintan ka aamusan yahay balse uu ogyahay in heshiiska xidiga ree France uu yahay mid buuxa oo dhamaystiran u baahan.

Antoine Griezmann ayaa laba gool ka dhaliyay kulankii finalkii Europa League ee uu kooxdiisa Atletico Madrid kula soo guulaystay laakiin waxa uu doonayaa in mustaqbalkiisa la xaliyo inta aanu koobka aduunku bilaamin.Koobka aduunka ayaa Russia ka furmi doona June 14,2018.

Barcelona iyo Griezmann ayaa isku raacsan in mustaqbalkiisa la xaliyo inta aan la gaadhin waqtiga koobka aduunka ee Russia loo duulayo. Antoine Griezmann ayaa doonaya in xidhiidha uu la leeyahay Atletico aanu sii xumaan laakiin in Atletico Madrid ayna ogolaan doonin waada xaajood ayaa Barca iyo Griezmann ku qasbi karta in ay bixiyaan lacagta heshiiska xidigan lagu burburin karo oo 100 milyan euros ah.

Horyaalka Spain waxaa koox kasta waajib ku ah in ay heshiiska ciyaartoyda kooxdeeda ku darto qodob sheegaya lacagta lagu burburin karo waxaana qodobkan waajib ka dhigay ururka shaqaalaha Spain kuwaas oo sabab u ah in xataa saxaafada laga hor cadeeyo lacagta ciyaartoyga heshiiskiisa lagu burburin karo.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa Antoine Griezmann u diyaarisay No.7 uu haddaba u qaato kooxdiisa Atletico Madrid waxayna xafiisyada Camp Nou qorshaynayaan in xidiga ree France ay gacanta ku sii dhigaan ka hor inta aanu dhawaan xulka qarankiisa ula duulin Russia.