Barcelona Oo Qorshaheeda Suuqyada Dambe Haatanba Sii Bilawday & Xiddig Ay Mudo Dheer Daba Socdeen Oo Ay Heshiis Hordhac Ah La Gaadheen.

Sida laga helayo wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee RAI Sport, Kooxda Barcelona ayaa haatanba heshiis hordhac ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot oo ay saxeexiisa mudo dheer daba joogeen.

Wargeyskan ayaa tibaaxaya in xiddiga ree France uu haatanba ogyahay inuu xagaaga dambe aqbali doono dalabaakda kaga imanaya kooxda ree Catalonia isla markaana uu ku biiri doono Camp Nou.

Rabiot podría haber llegado a un acuerdo con el Barcelona

Wariyaha RAI ee Claudia García ayaa sheegay in shaqsiyaadka ku dhaw dhaw xiddigan oo uu ku jiro wakiilkiisu ay kulan casho ah kula kulmeen madaxda kooxda Barca isla markaana ay haatanba isla meel dhigeen heshiiska shaqsiga ah.

Isla wargeyska ayaa daaha ka qaaday in xiddigan loo fuliyay rabitaankiisii ahaa mushahar qaaliya, Haddiiba uu PSG ku diiday mushahar 10 Milyan iyo gunooyin ah waxa ay Blaugrana haatan u balanqaaday 13 Milyan iyo gunooyin raaci doona.

Kooxda tababare Ernesto Valverde ayaan waxba uga baahnayn dhinaca Paris haddii xidigan ay is fahmeen sababtoo ah in qandaraaskiisu uu dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedka dambe.

Sharciga FIFA ayaa Rabiot u ogolaan doona inuu laga bilaabo sanadka cusub si toos ah ula xaajoodo kooxaha doonaya waana wakhtiga la filayo in Barca ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiskan ay la meel dhigtay.