Barcelona Oo Ogolaansho Bixitaan Siisay Daafacii Kooxdeeda Ee Ay Kooxaha Premier League U Waalanayeen & Man United Iyo Arsenal Oo Ay Haatan Ciyaartiisu Dhex Taalo.

Daafaca ree France ee Samuel Umtiti ayaa waayihiisa ciyaareed ee Barcelona ku bilawday qaab uu si dhakhso ah ugu noqday dookha koowaad ee tababaraha isaga oo wadnaha daafaca mataane kula ahaa Gerard Pique.

Umtiti ayaa labadiisii xili ciyaareed ee ugu horreeyay mid lama taabtaan ah kasoo ahaa shaxda kooxdiisa balse waxkasta ayaa isbedelay xilli ciyaareedkii saddexaad oo ahaa midkii haatan dhamaaday.

Daafacan ayuu gaadhay dhaawac ku qasbay inuu mudo dheer ka maqnaado garoomada isaga oo sidoo kale diiday inuu qaato taladii kooxda ee ahayd inuu qaliin maro taas oo kala fogaansho ka dhex dhalisay labada dhinac.

Samuel Umtiti ayaa kaliya 15 kulan soo matalay kooxdiisa walow uu taam buuxa ahaa tan iyo dhammaadkii bishii Febraury balse waxa uu booska kala bixi kari waayay Clement Lenglet.

Sida haatan laga soo xigtay wargeyska Sport, Umtiti ayaa ku faraxsan inuu sanad kale ku qaato kooxda oo uu dib usoo min guuriyo qaabkiisii ugu fiicnaa.

Taa bedelkeeda waxa isbedelay dareenkii Barcelona ay u qabtay xiddigan waxaana la sheegayaa inaysan kahor istaagi doonin haddii uu kooxda ka baxayo oo uu dalab macquul ah helo.

Wakhti xaadirkan, Barca ayaan ku jirin wax deg deg ah oo ay ku dheeli tirayso akoonadeeda balse ma aqbali doonto wax dalab ah oo ka hooseeya €50 Milyan oo Umtiti laga soo gudbiyo.

Kooxaha Premier League ee Arsenal iyo Manchester United ayaa la fahamsan yahay inay ku jiraan tartankiisa waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn Juventus balse wali ma jirto koox wax dalab ah ka gudbisay.