Barcelona Oo Lagu Qasbayo In Mid Ka Mid Ah Saxiixyada Cusub Ee Kooxdeedu Aanu Xili Ciyaareedka Cusub Qayb Ka Noqon Karin Qorshaha Valverde Iyo Philippe Coutinho Oo Baadbaadin Kara.

Kooxda Barcelona ayaa ilaa hadda la soo wareegtay afar ciyaartoy oo cusub kuwaas oo kala ah Athur Melo, Clement, Malcom iyo Arturo Vidal oo ugu danbeeyay laakiin sharciga dalka Spain ayaa kooxda Barcelona ku qasbi kara in mid ka mid ah saxiixyada cusubi uu qayb ka noqon kari waayo qorshaha Valverde ee xili ciyaareedka cusub laakiin waxaa arintan u badbaadin kara Philippe Coutinho.

Barcelona ayaa hadda kooxdeeda ku haysata lix ciyaartoy oo aan haysan baasaaboorka wadamada Yurub ee EU waxaana ka mid Philippe Coutinho, Yerry Mina, Arturo Vidal, Malcom, Marlon laakiin sharciga xidhiidhka kubbada cagta Spain ayaa ogol in kooxdu ay diwaan gashan karto 3 ciyaartoy oo kaliya oo aan ahayn ciyaartoyda haysta baasaaboorka EU.

Ugu horayn Barcelona ayaa ku qasbanaan doonta in finalka Spanish Super Cupka ay kooxdeeda ka reebto mid mid ka mid ah Athur Melo, Arturo Vidal, Malcom ama Philippe Coutinho laakiin rajada ay Barca qabto ayaa ah in Coutinho uu heli karo baasaaboorka Portugal oo uu hore u xaraystay dhamaan waraaqihii sharci ee looga baahnaa.

Barcelona ayaan markii hore filayn in ay qiimo aad u hooseeya ku helayso Aturo Vidal kaas oo sabab u noqday in hadda la dadajiyo qorshaha uu Philippe Coutinho dalka Portugal kaga doonayo baasaaboorka si uu u noqdo ciyaartoy lagu diwaan galiyo EU.

Haddii ay dhacdo in Philippe Coutinho uu awoodi waayo in uu ka hor xili ciyaareedka cusub uu ku guulaysto sharciga Portugal waxay Barcelona ku qasbanaan doontaa in kooxdeeda kowaad ay ka saarto mid mid ah saxiixyada cusub ee Athur Melo, Aturo Vidal ama Malcom iyada oo Philippe Coutinho uu markasta kooxda qayb ka ahaan doono.

Laakiin dhibta ugu wayn ayaa ah in Barcelona ay haysato waqti aad u kooban gaar ahaan dhinaca horyaalka La liga oo ah kan ugu muhiimsan ee ay sharcigan u doonayso waxayna haysataa fursada ah in Philippe Coutinho uu sharciga Portugal helo ka hor August 18 markaas oo uu furmi doono xili ciyaareedka cusub ee La Liga.