Barcelona Oo Lacagtii Abid Ugu Badnayd Ka Samaysay Iibka Ciyaartoyda Ay Camp Nou Ka Nadiifisay Iyo Saamaynta Suuqa Ee Kooxdeeda Ay Ku Yeelanayso.

Kooxda Barcelona ayaa lacagtii abid ugu badnayd ee kooxdeedu ka heshay ciyaartoyda la iibiyay waxay ku abuurtay taariikh cusub kadib markii ay ku guulaysteen in ay Camp Nou ka direen ciyaartoy aan saamayn badan kooxda ku lahayn.

Xisaab xidhkii Barcelona ee ku dhamaaaday axadii June,30 , kaas oo ka soo bilawday July 1, 2018 waxa uu noqday sanadkii abid ay Barcelona lacagta ugu badan ka samaysay ciyaartoy ay kooxdeedu iibisay.

Sanad xisaabeedka Barceloa ee July 1, 2018, June 30,2019 waxa uu soo saaray 221 milyan yuro oo ay ka heshay iibka ciyaartoy kooxdeedu iibisay waxayna taasi keentay deganaansho wayn oo dhinaca xisaabta kooxdeeda ah.

Barcelona ayaa eedayn badan kula soo kulantay in ay sanadihii la soo dhaafay ku dhibtoonaysay sidii ay lacag uga samayn lahayd ciyaartoyda qorshaha kooxdeeda dheeraadka ka ah iyada oo iibkii Neymar Jr ee 222 milyan yuro ahaa uu ahaa xidiga kaliya ee ay lacag badan ka heleen.

Laakiin xataa iibkii Neymar ayaan ahayn mid caadi ahaa maadaama oo ay PSG bixisay lacagta qandaraaskiisa lagu burburin karayay laakiin xaalada Camp Nou ayaa gabi ahaanab isbadashay.

Maamulka Bartomeu ee ay ka hoos shaqaynayaan Oscar Grau iyo Pep Segura ayaa 12 kii bilood ee ugu danbeeyay awooday in ay 221 milyan yuro ka sameeyeen ciyaartoy kooxda ka baxday.

Xisaab sanadeedka Barcelona intii aanu axadii xidhmin waxay iibiyeen Jasper Cillessen, Andre Gomes, Denis Suarez and Marc Carmona iyo Marc Cucurella kuwaas oo ay ka sameeyeen 77.4 milyan yuro.

Madax wayne Josep Maria Bartomeu ayaa hoos u dhigay kharashaadkii kooxdiisa laakiin in ay 221 milyan yuro ka sameeyeen ciyaartoy la iibiyay 12 kii bilood ee ugu danbeeyay waxay noqotay rekoodh cusub oo ay maamulkiisu dhigeen.

Guud ahaan 12 kii bilood ee ugu danbeeyay ee ay Barcelona xisaabteeda ku xidhay axadii doraad ee June 30, waxay iibisay 14 ciyartoy kuwaas oo kala ahaa: Paulinho (50 milyan yuro⇒ Guangzhou), Cillessen (35 milyan yuro⇒ Valencia), Yerry Mina (30.2 milyan yuro⇒ Everton), Andre Gomes (25 milyan yuro⇒ Everton), Paco Alcacer (23 milyan yuro⇒ Borussia Dortmund).

Intaas oo kaliya ma aha laakiin liiska ciyaartoyda Barcelona ka baxday ayaa sii socda waxaana ka mid ah xidigaha kala ah: Lucas Digne (20.2 milyan yuro⇒ Everton), Denis Suarez (12.9 milyan yuro⇒ Celta Vigo), Aleix Vidal (8.5 milyan yuro⇒ Sevilla), Marlon (6 milyan yuro⇒ Sassuolo), Jose Arnaiz (5 milyan yuro⇒ Leganes), Marc Carmona (2.5 milyan yuro⇒ Osasuna), Marc Cucurella (2 milyan yuro⇒ Alaves), Munir El Haddadi (1 milyan yuro⇒ Sevilla), iyo Ruiz de Galarreta (0.5 milyan yuro⇒ Las Palmas).

Laakiin wali Barcelona ayaa doonaysa in ay sii wado nadiifinta Camp Nou waxaana jira xidigo dhawr ah oo la filayo in ay dhawaan ka bixi doonaan Barca haddii ay dalab fiican u helaan.

Guud ahaan ciyaartoydan ayay Barcelona ka samaysay 221.8 milyan yuro intii lagu jiray sanad xisaabeedka kooxdeeda ee 12 kii bilood ee ugu danbeeyay.

Lacagta ayaa si wayn saamayn ugu yeelan karta Barcelona maadaama oo ay xaalad wanaagsan oo dhinaca xisaabta ah ugu soo dhamaysatay sanad xisaabeedka kooxdeeda ee July 1, 2018 -June 30,2019.