Barcelona Oo La Ogaaday Go’aankeeda Kaga Aadan In Ay Dib Kaga Soo Ceshato Kooxda Bayern Munich Xidigeedii Hore Ee Thiago Alcântara.        

Sida laga soo xigtay wargeysyada caalamka, kooxda reer Catalonia ee Barcelona ayaan wax xiisa ah u qabin inay dib u soo ceshato adeega xidigeedii hore ee Thiago Alcântara inta lagu gudi jiro suuqa xagaaga.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in maamulka kooxda Barcelona aysan wali ku fikirin dib u soo celinta Thiago Alcântara oo haatan waayo wanaagsan ku qaadanaya kooxda reer Germany ee Bayern Munich.

Mundo Deportivo ayaa hadalkiisa intaas kusii daray in Barcelona ay heysato qorsho cad ee ku aadan suuqa kala iibsiga iyo saxiixyada ay dooneyso inay ka sameyso gaar ahaan khadkeeda dhaxe waxaana ugu horeeya saxiixyada ay dooneyso xidiga kooxda , Ajax Frenkie de Jong.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in goolhaayaha kooxda reer Catalonia ee Marc-André ter Stegen uu xiiseenayo in Thiago Alcântara dib loogu soo celiyo safka kooxda Barcelona, maadaama uu la dhacdan yahay awooda laacibkan.

Thiago Alcântara  ayaa ka mid ahaa xidigaha kooxda Barcelona, kahor inta uusan ku biirin dhigeeda reer germany ee Bayern Munich, laakiin xiligan kooxda reer Germany ayaa dul dhigtay saxiixa xidigan kooxaha doonaya 70 milyan oo euros si ay ugu wareejiso.