Barcelona Oo Heshiis La Gaadhay Hoggaamiyaha Gooldhalinta Horyaalka Germany & Hawl-Galada Barcelona Ee Suuqa Kala Iibsiga Oo Haatanba Xawli Ku Socda.

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid haatanba si xawli ah ku wada arrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kaga xidhan kooxdeeda suuqa xagaaga dambe waxaana lagu soo warramayaa inay heshiis la gaadheen weeraryahanka hoggaaminaya gool dhalinta horyaalka Bundesliga.

Wargeyska ree Germany ee Frankfurter Allgemeine ayaa laga soo xiganayaa in Barcelona ay haatanba heshiis la gaadhay weeraryahanka ree Croatia ee Luka Jovic.

Xogtan ayaa sheegaysa in Barcelona ay halka hore ka gashay safka dheer ee loogu jiro Jovic kaddib wadahadalo ay la yeelatay wakiilada ciyaartoyga waxaana ay labada dhinacba rajaynayaa inay heshiiska dhammaystiraan xagaaga.

Heshiiskan ayaa ah mid ay Blaugrana kaga guuleysatay kooxo badan sida kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid oo qudheedu suuqa ugu jirtay saxeexa weeraryahan da’yar.

SIDOO KALE AKHRISO:  Man City Oo Etihad Stadium Babraro Kula Gashay Tottenham, VAR Oo Markale Qalbi Jabiyay Guardiola Iyo City Oo Dhibcihii U Horeeyay Lumisay.

Marka laga yimaado in warkan ay ugu horreynba soo tabisay FAZ ayaysan jirin cid si rasmi ah caddaysay balse Jovic qudhiisa ayaa kahor sheegay inuu doonayo inuu ka ciyaaro Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Jovic ayaa ilaa haatan 14 gool kasoo dhaliyay Bundesliga waana xiddiga ugu sarreeya gool dhalinta horyaalkaas, Jovic ayaa haatan amaah kaga soo maqan kooxda Benfica waxaana uu ku sugan yahay Frankfurt.

Frankfurt ayaa xilli horeba caddaysay sida ay u doonayso inay si rasmi ah ula wareegto xiddigan waana sababta keenaysa inay Barca la xaajooto kooxda ree Germany halkii ay kala hadli lahaayeen Benfica.