Barcelona Oo Heshay Warkii Ay Doonaysay Iyo Jamaahiirta PSG Oo Ku Oriyay Adrien Rabiot Iyaga Oo U Sheegay In Uu Barca Ku Biiro.

Dhamaadkii kulankii PSG iyo Liverpool waxaa ciyaarta la soo galiyay Adrien Rabiot kaas oo dhawr jeer iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdooda PSG laakiin falcelintii uu xalay ka helay jamaahiirta kooxdiisa ayaa war aad u fiican u ahayd kooxda Barcelona.

Adrien Rabiot ayaa soo dhawayn aad u xun ka helay jamaahiirta kooxdiisa PSG markii uu garoonka soo galay waxayna u sheegeen” Orod oo Barcelona u tag” taas oo ah fariin aad ugu fiican dhegaha jamaahiirta iyo maamulka kooxda Barcelona.

Intii ayna xataa bilaamin ciyaartii Paris Saint-Germain iyo Liverpool waxay jamaahiirta kooxda PSG dariiqa u sii joogsadeen Adrien Rabiot waxayna ugu qayliyeen: “Rabiot orod oo Barcelona u tag” iyaga oo muujiyay sida ay uga cadhaysan yihiin wararkii soo baxay ee sheegayay in uu kooxda ka baxayo.

Maamulka kooxda Paris Saint-Germain  ayaa haddaba ku fashilmay in ay Adrien Rabiot  ku qanciyaan sidii uu kooxda u sii joogi lahaa ee uu waliba qandaraas cusub u saxiixi lahaa waxaana xaalada uga sii dartay markii uu Rabiot arkay isaga oo kaydka la dhigay oo uu Thomas Tuchel xidigo kale ka door biday.

Sida ay wax walba u socdaan waa sidii ay Barcelona doonaysay kadib markii ay xagaagii la soo dhaafay ku fashilantay in ay Adrien Rabiot kala soo wareegto PSG balse hadda waxay dhamaadka xili ciyaareedkan ku heli kartaa si xor ah.

Jamaahiirta kooxda PSG ayaa si wayn uga cadhaysan wararka sheegaya in Adrien Rabiot  uu kooxda Barcelona ku war galiyay in uu iyaga u ciyaari doono xili ciyaareedka soo socda waxayna xalay taageerayaasha PSG muujiyeen cadhada ay u hayaan xidiga aan wali kooxdooda ka bixin.

Si kastaba ha ahaatee, orintii jamaahiirta PSG ee Adrien Rabiot  waxay sii xoojin doontaa go’aanka uu haddaba ku gaadhay in uu Paris ka baxo isaga oo waliba lacag la’aan ugu biiri doona Barcelona sida ay wararka soo baxay sheegayaan.