Barcelona Oo Halkan Arin Ka Dalbatay Neymar Jr Iyada Oo Ka Cabsi Qabta In PSG Ay Xaalada Ku Sii Adkayso.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa si wayn uga shaqaynaya in ay Camp Nou ku soo celiyaan Neymar JR laakiin waxaa jirta hal arin oo ay ka dalbadeen Neymar jr taas oo ay arin ay kaga cabsi qabaan in maamulka PSG ay cadaadis kale kagala kulmi karaan.

Neymar Jr ayaa diyaar u ah in uu wax walba u sameeyo in uu Barcelona ku soo laabto waxaana u qorshaysnayd in uu gadood shaqo joojin ah sameeyo si uu maamulka kooxdiisa PSG cadaadis ugu saaro in ay aqbalaan dalabkiisa ah in uu Barca ku soo laabto.

Laakiin maamulka kooxda Barcelona ayaa Neymar Jr ka dalbaday in aanu shaqo joojin iyo gadood midna samayn iyaga oo ka cabsi qaba in ay xaalada uga sii darto oo ay kooxda PSG cadaadis sii saarto xidiga reer Brazil.

Barcelona ayaan doonayn in gadood uu Neymar Jr sameeyaa ay ka sii cadhaysiiso maamulka ay na marka horeba xidhiidhka fiican lahayn ee kooxda PSG, waxayna doonayaan in ay arinta si nabadgalyo ah marka hore ku galaan.

Waxayna maamulka kooxda Barcelona ka doonayaan in aanu aanu Neymar Jr ka maqnaan tababarka xili ciyaareedka ka horeeya ee kooxdiisa PSG oo uu markii hore doonayay in aanu ka soo xaadirin iyada oo ka hor Barca dadaal ugu sii jirta in ay heshiis la sii gaadhaan PSG.

Neymar Jr ayaa hadda ku sugan dalkiisa Brazil halkaas oo uu ku sugayo finalka Copa America oo uu xulkiisa Brazil ciyaari doono maalinta axada ee July 7 markaas oo ay xulka Peru ku wada ciyaari doonaan Maracana.

Barcelona ayaa maanka ku haysa wixii ay maamulka PSG sameeyeen markii uu Marco Verratti isku dayay in uu gadood sameeyo laba sanadood ka hor waxayna doonayaan in Neymar aanu shaqo joojin samayn si ayna xaaladu u sii xumaan.

Maadaama oo ayna jirin lacag lagu burburin karo heshiiska Neymar ee PSG waxay Barcelona ku qasban tahay in ay wada xaajood arinta kula dhamayso maamulka Paris waana sababta ayna u doonayn in Neymar uu shaqo joojin sameeyo oo aanu xaalada uga sii darin.

Barcelona ayaa doonaysa in Neymar Jr uu kooxdiisa PSG ku soo laabto xataa haddii aan heshiiskiisa la sii dhamaystirin si ay isugu dayaan in ay qaab nabadgalyo ah kula xaajoodaan kooxda PSG.

Barcelona ayaa diyaar u ah in heshiiska Neymar ay qab ka noqon karaan ciyaartoy ay ka mid yihiin Coutinho, Umtiti iyo Rakitic halka PSG ay sidoo kale xiisaynayso Nelson Semedo.

Si kastaba ha ahaatee, in ay maamulka Barcelona doonayaan in aanu Neymar Jr gadood iyo shaqo joojin samayn waxay muujinaysaa sida ay ku doonayaan in ayna khilaaf kale la galin PSG.