Barcelona Oo Guul Ka Soo Gaadhay PSV Si Ay Kaalinta Kowaad Ee Group B U Xaqiijisato, Messi Oo Markale Shabaqa Soo Taabtay Iyo Tottenham Oo Inter Milan Garaacday.

Kooxda Barcelona ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxday Group B kadib markii ay 2-1 ku soo garaacday kooxda PSV waxaana Barca guushan u horseeday Lionel Messi iyo Gerard Pique oo min hal gool dhaliyay.

Laakiin kooxaha Inter Milan iyo Tottenham ayaa kaalinta labaad ee Group B ku tartami doona kadib markii ay Tottenham awooday in ay Wembley Stadium saddexda dhibcood kaga tirsatay Inter Milan.

Kulamada ugu danbeeya heerka groupyada ee lixaad waxa uu final u noqon doonaa kooxaha kaalinta labaad ku dagaalami doona ee Inter Milan iyo Tottenham.

SHIXIHII PSV VS BARCELONA

BARCELONA XI (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Nelson Semedo, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Arturo Vidal; Ousmane Dembele, Lionel Messi, Philippe Coutinho.

Kaydka: Denis Suarez, Malcom, Munir El Haddadi, Carles Alena, Juan Miranda, Inaki Pena, Chumi.

PSV XI (4-2-3-1): Jeroen Voet; Angelino, Nick Viergever, Daniel Schwaab, Denzel Dumfries; Jorrit Hendrix, Pablo Rosario; Steven Bergwijn, Gaston Pereiro, Hirving Lozano; Luuk de Jong.

Kaydka: Aziz Behich, Maximiliano Romero, Erick Gutierrez, Mauro Junior, Trent Sainsbury, Donyell Malen.

Qaybtii hore ee kulankii PSV iyo Barcelona ayaa ahaa mid wax goolal ah layska dhalin laakiin ay labada kooxoodba heleen fursado ay min dhawr gool ku dhalin kareen iyada oo ay labada kooxood sameeyeen dadaalo badan kuwaas oo fashilmay.

Barcelona ayaa 4 bartilmaameed ku samaysay goolka PSV laakiin waxay ku fashilantay in ay hal gool ku dhaliso halka PSV ay 3 bartilmaameed ku samaysay goolka PSV waxayna 7 furadood iyo kuwo kale oo halis ayaa dhamaantood noqday kuwo aan waxba ciyaarta ka badalin.

Barcelon ayaa boqolkiiba 74% haysatay boosishanka ciyaarta laakiin wax walba oo ay labada kooxood qaybtii hore ka sameeyeen ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Daqiiqadii 61 aad ee qaybtii labaad ee ciyarta Lionel Messi ayaa jabiyay ismari waagii ciyaarta kadib markii uu kubbad hal-ka laba ah la soo ciyaaray Dembele kaas oo caawinta goolkan yeeshay, wuxuuna Messi ciyaarta ka dhigay 1-0 ay barca hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Daqiiqadii 70 aad Gerard Pigue ayaa kooxdiisa Barcelona u dhaliyay goolka labaad balse qaabka uu Lionel Messi caawinta ugu soo sameeyay ayaa noqotay mid hadal hayn yeelatay isaga oo kubbad laaga xorta ah Pique ugu ogolaaday in uu goolkan dhaliyo waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Barca hogaanka ku dheeraysatay.

Daqiiqadii 82 aad PSV ayaa ugu danbayn heshay goolka ay ciyaarta uga qalantay waxaana goolkan u saxiixay L. de Jong kadib markii uu caawin ka helay Angeliño waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay wali Barca hogaanka ku hayso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Barcelona guul kaga soo gaadhay kooxda PSV iyada oo si rasmi ah Barca u xaqiijisatay kaalinta kowaad ee Group B.

Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa Wembley Stadium ku garaacday kooxda Inter Milan si ay nolol ugu sii hayso rajadeeda Chamions League waxayna Tottenham guushan ku gaahay gool soo daahay oo uu  Eriksen dhaliyay daqiiqadii 80 aad.

Barcelona ayaa xaqiijisatay kaalinta kowaad ee Group B halka Inter Milan iyo Tottenham ay kaalinta labaad si buuxda ugu dagaalami doonaan kulamada lixaad ee Champions League heerkiisa Groupyada ugu danbayn doona.