Barcelona Oo Dalabyo Dhab Ah U Haysa Shan Ciyaartoy Oo Kooxdeeda Kowaad Ka Tirsan-Miyuu Philippe Coutinho Ku Jiraa?

Kooxda Barcelona ayaa xagaagan u furan in ay kooxdeeda isbadal wayn ku samayso isla markaana ay dhegaysato dalabyada lagu doonayo qaar badan oo kooxdeeda ka mid ah maadaama oo ay diyaar u yihiin in ay dib u habayn sameeyaan.

Barcelona ayaa dalabyo wax ku ool ah uu heshay shan ciayartoy oo kooxdeeda kowaad ka mid ah laakiin Philippe Coutinho ayaan ka mid ahayn xidigaha la soo dalbaday.

Wargayska Mundo Deportivo oo ka soo baxa magaalada Barcelona ayaa shaaciyay in maamulka Blaugrana ay gacanta ku hayaan dalabyo lagu doonayo xidigaha kala ah Malcom, Jasper Cillessen, Andre Gomes, Denis Suarez iyo Nelson Semedo.

Laakiin wargayska Mundo Deportivo ayaan liiska ciyaartoyda ay Barcelona iibin karto ee ay dalabyada u heshay aanu ku jirin Philippe Coutinho kaas oo ay kooxo waa wayni isha ku hayaan.

Inkasta oo ay kooxaha Man United, Chelsea iyo PSG ay xiiso ka muujiyeen saxiixa Philippe Coutinho, haddana ilaa hadda ma jirto koox dalab rasmi ah ka soo gudbisay xidiga reer Brazil.

Laakiin Barcelona ayaa haddaba dalabyo kala duwan oo muhiim ah u haysa shanta ciyaartoy ee kala ah Malcom, Jasper Cillessen, Andre Gomes, Denis Suarez iyo Nelson Semedo kuwaas oo ay suurtogal tahay in xagaagan laga diri doono Camp Nou.

Andre Gomes oo amaah ku jooga kooxda Everton ayaa iska diiday fursada uu ugu biiri lahaa kooxda West Ham United wuxuuna wadada u xaadhay in uu heshiiska amaahda ah ee Everton in mid rasmi ah laga dhigi doono.

Malcom oo aan waqti fiican ku soo qaadan barcelona, Denis Suarez oo amaah fashilantay ku soo qaatay Arsenal iyo goolhaye Cillessen oo xagaagan bixi kara ayay dhamaantood Barca heshay dalabyo lagu doonayo.

Ivan Rakitic, Philippe Coutinho, Arturo Vidal ayaa ku biiri kara shanta ciyaartoy ee ay haddaba Barcelona dalabyada u hayso iyada oo kadib ay maamulka Camp Nou doonayaan in ay saxiixyo cusub sameeyaan.

Laakiin Samuel Umtiti ayaa si cad u diiday in uu ka baxo Barcelona wuxuuna diyaar u yahay in uu u dagaalamo booskiisa isaga oo qirtay in uu xili ciyaareed adag soo qaatay balse uu kooxda sii joogi doono.