Barcelona Oo Dalabkii Labaad Oo Ay Horumarin Ku Samaysay Ka Gudbisay Kubbad Sameeyaha Ree Brazil & Kooxda Chelsea Ee Willian.

Kooxda Barcelona ayaa dib ugu laabtay Chelsea waxayna u gudbisay dalab labaad oo ay hurumar ku samaysay. Maamulka kooxda Barcelona ayaa bartilmaameed wayn ka dhiganaya saxiixa Willian iyada oo dalabkii kowaad ay kooxda Chelsea hore u soo diiday. Barcelona ayaa si wayn suuqa ugu jirta waxayna doonaysaa in ay kooxdeeda xoojin wayn u samayso.

Laakiin kooxda Barcelona ayaan ku joogsan diidmadii ay kooxda Chelsea soo diiday dalabkii kowaad wuxuuna  Sky Sports News shaaciyay in maamulka kooxda Barcelona ay dalab 60 milyan euros ah u gudbiyeen Chelsea si ay uga helaan saxiixa Willian.

Dalabkii hore ee ay Chelsea soo diiday ayay Barcelona ku doonaysay Willian qiimo dhan  €56 milyan euros ah laakiin markii ay maamulka Blues dalabkan soo diideen ayay Barca sare u qaaday dalabkeeda labaad waxayna ka dhigtay  €60 milyan euros.

Laakiin Manchester United ayaa doonnaysa in ay Barcelona kula tartanto saxiixa Willian iyada oo Jose Mourinho uu doonayo in Balaugrana uu ka dulqaado laakiin kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay bixiso 60 milyan euros si ay Willian u keento Camp Nou.

Willian ayaa Chelsea ku soo biiray sanadkii 2013 kii wuxuuna u soo saftay 236 kulan isaga oo 44 gool u soo dhaliyay wuxuuna kaga soo biiray kooxda Anzhi Makhachkala.

Laakiin Willian ayaa si wayn uga cadhaysnaa in Antonio Conte oo maanta shaqada Blues laga caydhiyay uu kaydka inta ugu badan ku hayay wuxuuna hadda sugi doonaa haddii kooxdiisa Blues ay aqbali doonto dalabka labaad ee ay Barca ku doonayso.