Barcelona Oo Camp Nou Ku Garaacday Villarreal, Blaugrana Oo Tubta Guusha Ku Soo Laabtay Xili Ay Hogaanka La Liga Sii Qabtay.

Barcelona ayaa tubta guusha ku soo laabtay kadib markii ay Camp Nou ku garaacday kooxda Villarreal oo ay iska caabin wayn kala kulantay. Barcelona ayaa guushan ku gaadhay laba gool oo ay dhaliyeeen Gerard Pique iyo da’yarka Carles Aleñà.

Barcelona ayaa si ku meel gaadh ah u sii qabtay hogaanka La Liga ka hor inta ayna Sevilla la ciyaarin kooxda Alaves laakiin kooxda Valverde ayaa ka soo kabsatay kulamadii ayna soo guulaysan ee Real Betis iyo Atletico Madrid.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

VILLARREAL XI (4-2-3-1): Sergio Asenjo; Mario Gaspar (c), Alvaro Gonzalez, Victor Ruiz, Alfonso Pedraza; Manu Trigueros, Santiago Caseres; Samuel Chukwueze, Pablo Fornals, Santi Cazorla; Gerard Moreno.

Kaydka: Andres Fernandez, Karl Toko Ekambi, Jaume Costa, Carlos Bacca, Raba, Manuel Morlanes, Ramiro Funes Mori.

BARCELONA XI (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Nelson Semedo, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Arturo Vidal; Ousmane Dembele, Lionel Messi (c), Coutinho.

Kaydka: Inaki Pena, Chumi, Juan Miranda, Carles Alena, Denis Suarez, Munir El Haddadi, Malcom.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa sidii laga filayay ahayd mid adag oo ay labada kooxood si xoogan ugu dagaalameen laakiin Barcelon ayaa ahayd kooxda natiijo ahaan iyo fursad badnaan ku ahayd kooxda ku horaysay laakiin Villarreal ayaa si xoogan ugu dagaalantay Camp Nou.

Daqiiqadii 13 aad Villarreal ayaa ugu dhawaatay in ay goolka furitaanka keensato kadib markii uu Moreno birta u garaacay Ter Stegen laakiin Barcelona ayaa nasiib ku yeelatay in Villarreal ay birtu min caarad ku noqotay.

Daqiiqadii 36 aad Gerard Pique ayaa awooday in kulankii labaad oo xidhiidh ah uu kooxdiisa Barcelona goolal u dhaliyay kadib kulankii PSV, wuxuuna kubbad caawin uu ka helay Dembele uu darbo madax ah ku garaacay goolhayaha Villarreal isaga oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Barca hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Qaybtii hore inkasta oo ay labada koxoodo isku dayo badan sameeyeen isla markaana ay Barcelona ahayd kooxda fursadaha badan heshay, haddana waxaa lagu kala nastay 1-0 ay Barcelona hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Villarreal ayaa soo laabtay iyada oo doonaysay in ay ciyaarta ku soo laabto waxayna cadaadis saartay Barcelona oo u muuqatay in ay kubbad hayntii lumisay.

Valverde ayaa ciyaarta ka saaray Vidal daqiiqadii 70 aad wuxuuna soo galiyay da’yarka mustaqbalka wayn leh ee Carles Aleñà  kaas oo ka soo baxay xarunta La Masia kaas oo markiiba Barcelona ka caawiyay in ay culayska saarto Villarrreal.

Daqiiqadii 80 aad Valverde ayaa markale kaydka ka soo kiciyay Malcom iyada oo Barcelona ka cabsi qabtay in Villarreal ay keensato goola barbaraha wuxuuna saaray Coutinho oo aan wali u muuqan in uu xaaladiisii ugu fiicnayd ku soo laabtay kadib dhaawicii uu la soo laabtay.

Daqiiqadii 87 aad da’yarka Carles Aleñà  ayaa gool cajiib ah indhaha ku xaday kadib markii uu gool caawin cajiib ah ka helay Lionel Messi kaas oo sii fahmay halka uu Carles Aleñà  ka boos qaatay, wuxuuna goolkani ahaa mid qalbi jabiyay Villarreal oo soo laabasho ku fikiraysay halka Barca uu siiyay kalsooni dhamaysitran.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 ay Barcelona guul kaga gaadhay kooxda Villarreal iyada oo ka soo kabsatay guul la’aantii kulamadii Real Betis iyo Atletico Madrid waxayna guushana Barca ka caawisay in ay hogaanka La Liga sii qabtay ka hor kulanka Sevilla iyo Alaves.