Barcelona Oo Bixin Doonta Lacag SHAN Milyan Ah Haddii Kulanka Villarreal Uu Safto Daafaceeda Nelsom Semedo & Cida Lacagtaas Qaadan Doonta.

Kooxda Barcelona ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso lacag dhan 5 Milyan haddiiba daafaca midig ee kooxdooda ee Nelsen Semedo uu safto kulanka ay toddobaadkan la yeelan doonaan kooxda Villarreal ciyaar qayb ka ah horyaalka La Liga.

Nelson ayaa ku dhawaanaya inuu safto kulankiisii 50-aad ee kooxda ree Catalan waana tiro kulamo ah oo ay labada kooxood ku balameen inay lacago ku kala qaataan markii ay samaynayeen heshiiskii ay kula kala saxeexanayeen xiddigani.

Daafaca ree Portugal ayaa Camp Nou ku yimid aduun dhan 30 Milyan waxaana heshiiska qayb ka ahaa lacago gunooyin ah oo ku kala xidhan qoddobo kala duwan haba ugu horreyso shanta Milyan ee ay ku bixinayaan marka uu Semedo gaadho 50 kulan.

Benfica ayaa markii heshiiska Semedo dhacay kaddib tidhi “Waxa jira lacago dheeraad ah oo la qorsheeyay oo ku salaysan qaab ciyaareedka ciyaartoyga,  €5,094,965 ayaa la bixin doonaa marka uu 50 kulan oo rasmi ah u ciyaaro Barcelona”

Semedo ayaa 36 kulan u saftay Barca xilli ciyaareedkii hore oo ahaa midkiisii ugu horreyay ee kooxda halka uu 13 kulan oo kale fursad ka helay Ernesto Valverde toddobaadkan.

Dhinaca kale, Sababta qasbaysa in Barca ay kulamada soo socda ku tiirsanaato Semedo ayaa ah dhaawaca soo gaadhay Sergi Roberto oo booska daafac midig buuxin jiray.