Barcelona Oo Arsenal Caawinaysa, Xiddig Kooxdeeda Ah Oo Ay Usoo Bandhigtay & Heshiiskii Lagu Qaaliyeeyay Ee Zaha Oo Ay Gunners Ka Bixi Karaan.

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa u muuqata mid garab caawimo siinaysa dhigeeda Arsenal taas oo xilli suuqa xagaagan ay haysato xaalad lacag la’aaneed oo ba’ani isla markaana aan wali wax saxeex ah samayn.

Arsenal ayaa suuqa ka doonaysay garabka kooxda Crystal Palace ee Wilfred Zaha kaas oo aad loogu qaaliyeeyay balse Barcelona ayaa haatan dookh kale siinaysa waxaana ay usoo bandhigtay saxeexa Malcom oo kooxdeeda ka tirsan.

Barcelona ayaa u baahan doonta inay kala yarayso xiddigaha haatan ku sugan safka kooxdeeda maadaama oo ay jiraan warar kale oo la xidhiidhinaya inay dhawaan lasoo saxeexan doonaan Antoine Greizmann iyo Neymar JR.

Iyadoo laga war sugu doono imaatinka labadaas xiddig ee xagaagan ayaa haddiiba ay kooxda soo wada gaadhaan ay baabiin doonaan hammigii dhawr xiddig oo kooxda haatanba jooga ay lahaayeen.

Philippe Coutinho oo aan wali la qabsan, Ousmane Dembele oo sidoo kale dhibtoonaya iyo Malcom oo si dhif ah kaga soo muuqanayay safka Valverde ayaa ah saddexda dhibane ee inta ugu badan bixitaanka ku qasbanaan doona.

Wargeyska ree England ee ‘Daily Mirror’ ayaa sheegaya in Barcelona ay xilli horeba Arsenal kala xaajootay arrimaha Malcom isla markaana ay doonayso inay ka iibiso.

Iyadoo wada xaajoodkaasi ay kaliya ahaayeen kuwo hordhac ah ayay waxkasta ku xidhnaan doonaan weeraryahano cusub oo soo gaadha Camp Nou iyadoo intaas kaddib Malcom uu si sahlan ugu wareegi karo London.