Barcelona Oo Aan Haysan Lacagtii Ay Ku Burburin Kartay Heshiiska Antoine Griezmann Iyo Talaabadan Oo Ay Qaadayso.

Sanad xisaabeedkii kooxda Barcelona ayaa xidhmay June 30,2019 si la mid ah kooxaha kale ee kubbada cagta, waxaana Barcelona waqti xaadirkan ka maqan lacagtii kaashka ahayd ee ay ku burburin kartay heshiiska Antoine Griezmann.

Maamulka Barcelona ayaa todobaadkii hore isku dayay in ay Atletico Madrid ku qanciyaan in ay marar kala duwan bixiyaan lacagta heshiiska Antoine Griezmann lagu burburin karo taas oo hungo ku soo dhamaatay kadib markii ay Atletico Madrid cadaysay in ayna wax wada hadal ah ogolayn.

Barcelona ayaa loo sheegay in haddii ay doonayaan saxiixa Antoine Griezmann in ay marka hore miiska soo saaraan lacagta 120 ka milyan yuro ah ee lagu burburin karo heshiiska xidigan taas oo hadda la ogaaday in ayna Barca lacagtan gacanta ku hayn.

Wargayska AS ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay Barcelona mushaarka kooxdeeda ee bishii June ay u bixisay saddex maalmood kadib markii ay bishu dhamaatay kadib markii ay soo food saartay lacag la’aan dhinaca kaashka ah.

Laakiin sida warkan lagu sheegay Barcelona ayaa qaadaysa talaabadii ay ku bixin lahayd lacagta heshiiska Antoine Griezmann lagu burburin karo waxayna lacago dayn ah ka doonaysaa bangiyada si ay lacag uga sii amaahdaan.

Antoine Griezmann ayaa iska diiday in uu ka qayb galo tababarka kooxdiisa Atletico Madrid laakiin waxay hadda maamulka Barca raadsanayaan sidii ay Bangiyada lacag dayn ah uga heli lahaayeen maadaama oo ayna waqti xaadirkan akownadooda ku jirin lacagta lagu burburin karo heshiiska Griezmann.

Arintan ayaa sabab u noqon karta in xiisada Atletico Madrid iyo Barcelona ee heshiiska Antoine Griezmann ay sii jiitami karto maadaama oo ay kooxda Atletico Madrid iska diiday in ay gasho wada hadal lacagta Griezmann qaybo loog kala bixin karo.

Inkasta oo ay xisaab ahaan iyo dhaqaale ahaan Barcelona boos xoogan ku jirto, haddana in ayna waqti xaadirkan gacanta ku hayn lacagta lagu burburin karo heshiiska Griezmann ayaa keeni karta colaada ka dhex bilabtay Griezmann iyo kooxdiisa Atletico Madrid ay sii jiitanto.

Barcelona ayaa doonaysa in ay haddba talaabo qaado si ay u hubiso in ay u hogaansanto dhamaan shuruucda, laakiin waxaa soo dhawaanaya waqtiga uu Valverde ciyaartoyda kooxdiisa dib ugu soo dhawayn doono xarunta tababarka oo ah maalinta July 14.

Laakiin fasaxa Griezmann ayaa dhamaanaya July 12 isaga oo kooxdiisa Atletico Madrid ka diiday in uu soo laabto wuxuuna ku sugan yahay Ibiza oo ka tirsan dalka Spain, waxaana la sugayaa qaabka ay maamulka Barcelona ku xalin doonan arinta Griezmann oo ay heshiis buuxa la gaadheen.