Barcelona Mise Real Madrid? Bayern Munich Oo Ka Walaacsan In David Alaba Uu Qasab Ka Dhigo In Uu Spain U Wareego.

Maamulka kooxda Bayern Munich ayaa ka walaacsan xaalada xidiga qiimaha badan kooxdooda ku soo lahaa ee David Alaba kaas oo la ogaaday in uu diyaar u yahay sidii uu qasab uga dhigi lahaa in uu Spain u wareego.

Wargayska caanka ah ee Bild oo ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa shaaciyay in David Alaba uu isku dayayo sidii uu qasab uga dhigi lahaa in laga iibiyo kooxaha waa wayn ee reer Spain.

Hal sano oo kaliya ayaa ka hadhsan qandaraaska uu David Alaba kula joogo kooxdiisa Bayern Munich waxaana la sheegay in uu ku biiri doono mid ahaan kooxaha waa wayn ee Barcelona ama Real Madrid.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa sanado badan lala xidhiidhinayay David Alaba kaas oo waqti dheer lagu tirinayay difaaca bidix ee aduunka ugu fiican.

Heshiiska uu David Alaba kula joogo kooxdiisa Bayern Munich ayaa dhacaya sanadka soo socda ee 2021 wuxuuna dhawaan albaabka u furay in uu ka bixi karo Allianz Arena taas oo walaac kooxda Bayern Munich sii kordhisay.

Arinta cusub ee la sheegay in ay Bayern Munich walwal ku hayso ayaa ah in David Alaba uu shaqaalaysiinayo wakiilka Yuhuudiga ah ee Pini Zahavi kaas oo xidhiidh fiican la leh kooxaha reer Spain.

Wakiilka Pini Zahavi ayaa sanadkii 2018 kii si adag iskugu dayay in uu Robert Lewandowski ka iibiyo Real Madrid maadaama oo uu xidiga reer Poland wakiil u yahay, laakiin dadaal badan oo ay Bayern Munich samaysay waxay Lewandowski ugu danbayn ku qancisay in uu kooxda sii joogo.

Wararka ayaa sheegaya in aabaha dhalay David Alaba ee George uu wada hadal la furay wakiilka Pini Zahavi kaas oo ay isa soo yaqaaneen tobankii sanadood ee ugu danbeeyay tan iyo markii ay England ku kulmeen.

Haddii David Alaba uu wakiil ka dhigto Pini Zahavi waxaa sii kordhi doonta fursada uu ugu biiri karo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona inkasta oo aan ilaa hadda la ogayn kooxda ay sida gaarka ah u dooran karaan.

Wakiilka Pini Zahavi waxa uu caan ku sii noqday markii uu dilaalay lacagtii waalida ahayd ee ay PSG ku iibsatay Neymar Jr markaas oo uu door muuqda ku lahaa qorshihii uu Neymar Jr kaga baxay Camp Nou.

Laakiin wakiinimada Pini Zahavi ee David Alaba ayaa walaac hor leh ku keeni doonta maamulka Bayern Munich kuwaas oo hadda la sheegay in ay ka cabsi qabaan in Alaba uu qasab ka dhigo in suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan laga iibiyo kooxaha waa wayn ee reer Spain.