“Barcelona Maaha PSG” – Romelu Lukaku Oo Haatanba U Muuqda Mid Is Dhiibay & Kulanka Camp Nou Oo Uu Soo Laabasho Balanqaadi Waayay.

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa u muuqday mid ka dayriyay fursadaha kooxdiisu ay ugu soo bixi karto wareega afar dhammaadka tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Lugta hore ee wareega siddeed dhammaadka ayay xalay Old Trafford kula dheeleen Barcelona balse waxa ay iyaga oo marti ah qaabileen guuldarro 0-1 ah kaddib gool uu daqiiqadii 12-aad si qaldan iskaga dhaliyay Luke Shaw.

Walow ay haatan kooxda fursada badan haysataa tahay Barcelona haddana waxkasta ayaa macquul ah maadaama ay Man United horeba uga soo takhalustay PSG oo lugtii hore 0-2 kaga guuleysatay.

Haddaba, Lukaku oo kulankii xalay kaddib waraysi siiyay COPE ayaa sheegay in Barca aysan marnaba ahayn Paris Saint-Germain taas oo la micno ah inay adkaan doonto soo laabasho kale balse waxa uu sidoo kale talo usoo jeediyay xiddigaha kooxdiisa.

Romelu ayaa yidhi “Soo laabasho miyaa? Barcelona maaha PSG, Waxay leeyihiin khibrad badan, Waa inaanu noqono kuwo isku kalsoon oo aanu Camp Nou ku tagno xamaasad oo aanu bixino fursado badan”

Xalay ayuu Lukaku u muuqday mid ku dhex muuq beelay kulanka waxaana ugu dambayn lagu bedelay Anthony Martial oo qudhiisu aan wax badan kusoo kordhin safka weerarka Red Devils.

Ugu dambayn, Man United ayaa u baahan doonta lama filaan kale oo weyn iyo inay markale caalamka kaga soo yaabsato guul kale oo dunida gilgisha.