Barcelona Ma Waxay Gaadhay Heer Ay Ciyaartoy Kale Iska Caashaqdo? Bogga Rasmiga Ah Ee Barca Oo Lagu Soo Bandhigay Magacyada Xiddigo Liverpool & Arsenal Ah!!

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa boggeeda rasmiga ah lagu arkay arin layaab leh oo ah inay ciyaartoy badan oo qaarkood ka tirsan yihiin kooxaha ree England ee Arsenal iyo Liverpool ay kusoo bandhigeen.

Ciyaartoyda waaweyn ee sida yaabka leh loogu arkay Website-ka Barcelona ayuu ugu horreeyaa weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette kaas oo dhawaan lala xidhiidhinayay inuu Barca u wareegayo.

Bogga ayaa lagu muujiyay xogta weeraryahanka ree France oo ay kamid ahaayeen halka uu ku dhashay, Wakhtiga uu dhashay, Culayskiisa, Dhererkiisa iyo kulankii ugu horreeyay ee uu koox u ciyaaro.

Su’aalaha ugu waaweyn ee la iska weydiinayo in Lacazette uu kasoo muuqday bogga Barcelona ayay kamid tahay miyay kooxdan kasoo fakatay sirtu oo ay doonaysay inay lasoo saxeexato kuna dhawaaqdo saxeexiisa suuqa xagaagan.

Lacazette oo 36 gool usoo dhaliyay Gunners 87 kulan oo uu usoo ciyaaray ayaa la aaminsan yahay inuu weeraryahan kaabis ah oo labaad u noqon lahaa tababare Ernesto Valverde.

Si kastaba, Jamaahiirta Arsenal ayaysan ahayn inay ka werweraan in Lacazette uu ka baxayo Emirates Stadium oo uu u digo roganayo dhinaca Camp Nou maadaama oo Website-ka sidoo kale lagu arkay ciyaartoy kale.

Shaqsiyaadka kasoo muuqday bogga Barca ayuu kamid yahay James Milner oo Liverpool ka tirsan, Halyeeyga Man United ee Rio Ferdinand oo horeba u hawl gabay iyo xiddigaha kale ee kala ah Nathan Dyer iyo Steve Bould.