Barcelona & Lionel Messi Waxay U Hambalyeeyeen Luka Modric, Laakiin Waa Waali Kaalinta Shanaad Ee Messi.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa wax waali ah ku tilmaamay in Lionel Messi uu kaalinta shanaad ka galay abaal marintii Ballon d’or laakiin waxa uu xaqiijiyay in kooxdiisa Barcelona ay hambalyo u dirtay xidiga guulaystay ee Luka Modric.

Dhinaca kale Lionel Messi ayaa fariin hambalyo ah u diray xidiga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Croatia ee Luka Modric. Valverde ayaa sheegay in kaalinta shanaad ee uu Messi ka galay abaal marinta Ballon d’or in ayna micnaheedu ahayn in Messi aanu ahayn xidiga aduunka ugu fiican.

Valverde ayaa ka hor kulanka Copa Del Rey ee Cultural waxa uu sheegay in Lionel Messi uu yahay xidiga aduunka ugu fiican balse ay niyadjab tahay in kaalinta shanaad la dhigay abaal marintii France Football ee Ballon d’or oo isniintii la bixiyay.

Lionel Messi ayaa markii ay dhamaatay xafladii magaalada Paris ee lagu bixiyay abaal marinaha Ballon d’Or waxa uu fariin hambalyo ah u diray xidiga ay El Clasico-da ku xifiltamaan ee Luka Modric isaga oo arintaas kaga duwanaaday Cristiano Ronaldo aan xidigii ay isku Madrid ahaayeen hambalyo u dirin kadib markii uu kaalinta labaad ku dhamaystay.

Inkasta oo uu Valverde cadeeyay in Lionel Messi uu yahay xidiga aduunka ugu fiican haddana waxa uu iska diiday in uu sii dhex galyo dooda abaal marinta Ballon d’or wuxuuna yidhi: “Anigu ma doonayo in aan dooda dhex galo ee qiimaha abaal marinta , waxaanu anagu u hambalyaynay Modric ee abaal marinta Ballon d’Or, laakiin kaalinta shanaad ee Messi waa murugo”.

Hambalyada ay Barcelona u dirtay Luka Modric ee uu Valverde xaqiijiyay iyo fariinta hambalyada ah ee uu Messi u diray xidiga reer Croatia ayaa ah laba kala duwan balse ay ku muujiyeen sida ay Luka Modric ugu ixtiraameen in uu abaal marintan ku guulaystay.