Barcelona, Juventus Mise Real Madrid? Cristiano Ronaldo Oo Dhinac U Riday Mustaqbalka Neymar JR & Kooxda Uu U Saadaaliyay.

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa soo dhex galay wararka aan kala joogsiga lahayn ee ka taagan mustaqbalka garabka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR oo kooxo badan lala xidhiidhinayo.

Kooxda ugu cad cad ee inta ugu badana lala xidhiidhinayo Neymar ayaa ah kooxdiisii hore ee Barcelona oo uu laba sano kahor kaga baxay heshiis rekoodhka aduunka ahaa oo 222 Milyan ah.

Waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn xiiso uu ka helayo kooxaha Real Madrid iyo Juventus, Wararka qaar ayaa sheegaya in Madrid loo bandhigay saxeexa 27 jirkan halka Juventus lagu sheegay kuwo kulan la qaatay aabihii.

Iyadoo ay sidaas tahay ayay saxaafadu uga faa’idaysteen inay Ronaldo weydiiyaan wax ku saabsan Neymar xilli uu ka qayb galayay xaflad uu abaabulkeeda lahaa wargeyska Marca oo uu Ronaldo abaalmarin ku guddoomay.

Ronaldo oo saadaaliyay mustaqbalka Neymar ayaa sheegay inuu filanayo inuu baaqi kusii ahaan doono kooxdiisa PSG haddii ay noqon waydana uu raadsado meesha uu ku faraxsan yahay.

CR7 ayaa yidhi isagoo Neymar ka hadlaya “Isagu waa ciyaartoy cajiib ah aniguna isaga mudo dheer ayaan si wanaagsan u yaqaanaa”

“Waxa jira hadal badan oo isaga ku saabsan oo la xidhiidhinaya Madrid, Barca, Juve … waa shaqada saxaafada sababtoo ah waa muhiim inay iibiyaan (Wararkooda)”

“Laakiin waxaan filayaa inuu joogi doono Paris haddii aysan ahayna waa inuu raadiyo halka uu ku faraxsan yahay ee uu ku muujin karo kubaddiisa”

“Iyadoo aan loo eegayn halka uu ka ciyaaro, Inuu naftiisa ilaaliyo oo uusan wax dhaawacyo ah yeelanin, SIdaasi waa waxa aan isaga u doonayo”