Barcelona Iyo Real Madrid Oo Ku Loolamaya Mid Kamida Daafacyada Haatan Yurub Ugu Wanaagsan & Kooxda Ku Gacan Sarreysa Tartanka Oo La Ogaaday.

Kooxaha ugu waaweyn horyaalka Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku loolamayaan saxeexa daafaca dhexe ee Inter Milan ee Milan Skriniar kaas oo kamida xiddigaha booskiisa kuwooda haatan ugu wacan.

Dhawaan ayay ahayd markii wargeyska Mundo Deportivo uu shaaca ka qaaday in Barcelona ay gabi ahaanba iskaga hadhay loolanka saxeexa Skriniar balse shirkada matashada xiddiga qudhiisa ee ‘Star&Friend’ ayaa war cusub banaanka keentay.

Skriniar is more likely to join Real Madrid than Barcelona. AFP

Mithat Halis oo u hadlay shirkada ‘Star&Friend’ ee Milan matalaysa ayaa sheegay in xiddigooda ay labadaas kooxoodba ku tartamayaan balse kooxda haatan ku gacan sarreysa tartanka ay tahay Real Madrid.

Halis ayaa shaaca ka qaaday in Los Blancos ay ku dhaw yihiin inay heshiis la gaadhaan Inter sababta ay Barcelona uga horreeyaana ay tahay inay baahi ka weyn midooda u muujiyeen.

Advertisements

Shaqsiga u hadlay ‘Star&Friend’ ayaa yidhi “Skriniar waxa uu u qalmaa 100 Milyan oo euro, Real Madrid iyo Barcelona ayaa heshiiskiisa ku dagaalamayay laba sano haatan Real Madrid ayaa kaga dhaw inay heshiis la gaadho Inter Milan sababtoo ah waxa isaga doonayaan oo ay u baahan yihiin in ka badan Barca”.

Real ayaa doonaysa inay hesho xiddig tartan xoogan galiya Sergio Ramos iyo Raphael Varane, Walow ay dhawaan lasoo wareegeen Eder Militao oo 45 Milyan ugu soo biiray haddana uma muuqdo mid wali diyaar u ah waxa uu Zidane doonayo.

 

Advertisements