Barcelona Hasoo Buuxiso Halkan Shuruud Kaddibna Hala Wareegto Neymar – Wariye Banaanka Soo Dhigay Waxa Ugu Dambayn Qancin Kara PSG.

Suuqa xagaaga ayaa ah mid mudo aan yarayn soo furnaa waxaana aan wali wax xal ah oo dhinac u jeeda laga gaadhin mustaqbalka garabka Paris Saint-Germain ee Neymar JR kaas oo joogto loola xidhiidhinayo kooxaha ugu waaweyn Spain.

Dabcan Neymar wax niyad ah uma hayo inuu xilli ciyaareed kale sii joogo Paris sida ka muuqata ficiladiisa waxaana saxeexiisa ku dagaalamaya kooxdiisii hore ee Barcelona iyo kooxda ay loolamaan ee Real Madrid.

27 jirkan ayaan wali hal kulan kooxdiisa u ciyaarin tan iyo xilli ciyaareedkii hore waxaana tan iyo wakhtigaas kulamada kooxdiisa uu uga maqnaa sababo dhibaatooyin mustaqbalkiisa ah iyo waliba dhibaatooyin dhaawac.

SIDOO KALE AKHRISO:  Sababta Aysan Man United U La Soo Wareegin Bedelka Romelu Lukaku Oo La Ogaaday

Xalay ayay ahayd markii Paris Saint-Germain ay bilaabatay xilli ciyaareedkeeda horyaalka Ligue 1 iyagoo guul 3-0 ah gaadhay walow uu Neymar ka maqnaa.

Jamaahiirta kooxda ree France ee kulankaas kasoo xaadiray ayaa af-lagaado xun u geystay xiddiga ree Brazil waxaana ay ku caayeen inuu yahay wiilka hooyo xun isla markaana ay tahay inuu kooxdooda ka baxo.

Si kastaba, Wariye Tancredi Palmeri oo haatan war cusub keenay ayaa sheegay in ugu horreynba ay Barcelona doonayso inay Neymar keensato Camp Nou isla markaana ay PSG u diyaarisay dalab 100 Milyan oo lagu daray Philippe Coutinho ah.

Wariyaha ayaa sheegay in Paris aysan haatan diidi doonin dalabaadka Barca balse ay doonayso inay hesho 140 Milyan oo lagu daray Coutinho kaddibna ay xiddigeeda u ogolaan doonto inuu ku laabto Barcelona.

SIDOO KALE AKHRISO:  FADEEXAD: Bayern Munich Oo 23 Gool Kulankan Ka Dhalisay,Shan Ciyaartoy Oo Saddexleyo Ama Ka Badan Dhaliyay Iyo Kooxda Ay Fadeexadani Ku Dhacday.

Ugu dambayn, Haddii uu heshiiskani qabsoomo ayaa la filayaa in Paris ay lacagta 140-ka Milyan ah u isticmaali doonto saxeexyada Paulo Dybala oo Juventus kasii jeeda iyo goolhaye Donnarumma oo AC Milan ka tirsan.