Barcelona & Atletico Madrid Oo Barbaro Galay, Diego Costa Oo Goolkiisii Ugu Horeeyay Dhaliyay Iyo Ousmane Dembélé Oo Markale Guuldaro Ka Badbaadiyay Barcelona.

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa barbaro 1-1 ah ku galay Estadio Wanda iyada oo Ousmane Dembélé uu kaydka ka soo baxay dhamaadkii ciyaarta si uu kooxdiisa Barcelona ugu keeno goolkii ay guuldaradii labaad oo xidhiidh ah oo soo gaadhaysay uu kaga badbaadiyay

Diego Costa ayaa dhaliyay goolkiisii La Liga ugu horeeyay xili ciyaareedkan balse daqiiqadii 90 aad Ousmane Dembélé ayaa Diego Simeone ka diiday in uu guushiisii ugu horaysay ee Barcelona uu Barcelona ka gaadho.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

ATLETICO MADRID (4-4-2): Jan Oblak; Filipe Luis, Lucas Hernandez, Stefan Savic, Santiago Arias; Thomas Lemar, Rodrigo, Saul Niguez, Koke; Antoine Griezmann, Diego Costa.

Kaydka: Gelson Martins, Thomas Partey, Vitolo, Antonio Adan, Toni Moya, Nikola Kalinic, Angel Correa.

BARCELONA (4-4-2): Marc-Andre ter Stegen; Nelson Semedo, Gerard Pique, Samuel Umtiti, Jordi Alba; Sergi Roberto, Sergio Busquets, Arthur, Arturo Vidal; Lionel Messi, Luis Suarez.

Kaydka: Clement Lenglet, Carles Alena, Munir El Haddadi, Rafinha, Jasper Cillessen, Malcom, Ousmane Dembele.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid tatiko ahaan aad u adag isla markaana ay koox kastaaba taxadar badan ka muujinaysay waqtiga ay weerar qaadayso waxayna taasi keentay in qaybtii hore ee ciyaarta ay labada goolhaye ahaayeen kuwo aan la tijaabin.

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa qaybtii hore ee ciyaarta ku fashilmay in ay hal bartilmaameed oo goolka ah ay sameeyeen waxayna taasi soo koobaysaa wax qabadkii labada kooxood ee 45 kii daqiiqo ee qaybtii hore.

Inkasta oo ay Barcelona ahayd kooxda boosishan ahaan iyo kubbad ahaan u saraysay haddana Atletico Madrid ayaa la timid tatiko difaacasho adag ah taas oo ay Barcelona kaga ilaalisay in ay xataa samayso fursado fiican.

Wax walba oo ay Diego Simeone iyo Valverde ku soo qorsheeyeen qaybtii hore waxaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah iyada oo daqiiqadihii ugu danbeeyay qaytii hore uu dhaawac muruqa ahi soo gaadhay Sergi Roberto.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Valverde ayaa ciyaarta soo galiyay Rahinha oo ahaa badalkii Sergi Roberto oo qaybtii hore uu waqtigu ka dhacay in uu soo galayay waxayna ciyaartu noqotay mid ka kulul isla markaana ka xamaasad badan sidii ay qaybtii hore ahayd.

Daqiiqadii 61 aad Atletico Madrid ayaa heshay fursadii ugu horaysay ee ugu halista badnayd kadib markii uu Griezmann kubbada soo xoogsaday isla markaana uu Costa siiyay fursad gool dhalineed laakiin difaaca Barca ayaa si adag kubbada iskaga soo saaray.

Daqiiqadii 77 aad Ugu danbayn Diego Costa ayaa jabiyay ismari waagii ciyaarta ee waqtiga dheer soo taagnaa kadib markii uu gool madax ah ku dhaliyay kubbad uu  Antoine Griezmann caawin kaga soo sameeyay koorne oo uu soo tuuray wuxuuna Costa ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Atletico Madrid hogaanka ciyaarta la wareegta waqti xaasaasi ah.

CAJIIB: Goolka uu Costa dhaliyay ayaa ahaa bartilmaameedkii ugu horeeyay ee ciyaarta oo dhan ee labada kooxoodba sidoo kale waxa uu goolkani ahaa goolkii ugu horeeyay ee uu Costa xili ciyaareedkan ka dhaliyay horyaalka la Liga.

Daqiiqadii 85 aad Valverde ayaa kaydka ka soo kiciyay Ousmane Dembele wuxuuna saaray Arthur Melo waxayna Barca markan ku qasbanaatay in ay raadiso goolka barbaraha iyada oo markii horeba ay ciyaartu ahayd mid aan fursado si sahlan loo abuuri karin.

Daqiiqadii 80 aad Valverde ayaa weerarkiisa soo xoojiyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Malcom isaga oo saaray Vidal wuxuuna baneeyay khadka dhexe maadaama oo aanu haysan wax uu ilaashado.

Daqiiqadii 90 aad Ousmane Dembele ayaa awooday in uu si degan lugta bidix ugu dhaliyay goolka ay Barcelona isku sare taagtay ee barbaraha maadaama oo ay Atletico Madrid si xoogan u ilaashanaysay guusha ay waqtiga kooban u jirtay wuxuuna Dembele goolkan ku dhaliyay kubbad caawin fiican oo uu Messi ka helay iyada oo ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Ousmane Dembélé oo hore November 3, daqiiqadii 87 aad Barcelona ugu dhaliyay goolkii ay sida layaabka leh ugu soo laabtay kulankii Rayo Vallecano ayaa markale u keenay goolka ay Atletico Madrid guusha waxyar ugu jirtay.

Afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayaa xamaasad waali ah sii galay laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 1-1 ah waxaana wali sii jiitami doona rekoodhka guul la’aanta Diego Simeone ee Barcelona ee kulamada La liga.