Waxaad Odhanaysaa Fadlan Ciyaarta Joojiya, Meel Aan Joogo Ma Garanayeen-Wixii Anfield Igu Soo Maray Xataa Old Trafford Kumaan Arag.

Gegida Anfield ayaa markale xilli ciyaareedkan muujisay waynaanteeda waxaana ay kooxda ku dheesha ee Liverpool soo muujisay sida ay wali u awoodo inay waxkasta ku dhex samayso iyadoo kaashanaysa jamaahiirteeda.

Liverpool ayaa halkaas kusoo gaadhay wax loo arko guushii soo laabashada ahayd ee ugu fiicnayd xilli ciyaareedkan waxaana ay kasoo kabteen hoggaan 3-0 ah oo ay Barcelona ka haysan iyaga oo 4-0 ku bedelay.

Bandhigii kulankaas ee Barcelona ayaa ahaa mid gabi ahaanba musiibo ah iyaga oo markii hore la filayay inay si fudud ku gudbaan waxkasta ayaana isbedelay waxaana ugu dambayn guushii ciyaarta Final-ka Champions League ku gaadhay Liverpool.

Si kastaba, Mikel Arteta oo kamid ah kooxda tababarka ee Manchester City ahna xiddigii hore ee kooxdaha Arsenal iyo Everton ayaa ka warramay khibradiisa kulamadii uu kusoo ciyaaray Anfield Road.

Arteta ayaa sheegay in garoonkaas waxa ku qabsaday uusan kula soo kulmin meelo badan sida gegida Man United isla markaana ay Liverpool shan gool kaaga dhalin karto xataa adigoon ka war qabin.

Mikel Arteta qaab layaableh oo aan hore loo arag u soo bandhigay aragtidiisa iyo waayo aragnimda uu Anfield u leeyahay maadaama oo uu kooxaha Everton iyo Arsenal ugu soo matalay garoonka Liverpool.

Mikel Arteta oo hadda ah gacanta midig ee Pep Guardiola ayaa yidhi: “Waqtigii waayahayga ciyaareed, Anfield waxa uu ahaa garoonka kaliya ee aan yeeshay dareenka ah in laygu joogsaday. Aniga waxay iigu dhacday Arsenal. Waxaad naftaada u sheegaysaa: ‘Anigu ma garanayo waxa socda, fadlan ciyaarta joojiya, sababtoo ah ma garanayo halka aan joogee!”.

Arteta ayaa yidhi “Way adagtahay in la sharaxo laakiin anigu waligay igumay qabsan meel aan Anfield ahayn, Barcelona way igaga yaabsatay qaab ciyaareedkeeda laakiin Anfield waxaa lagaga dhalin karaa shan gool adigoon ogayn”

“Spain gudaheeda, Greece gudahiisa ama Germany gudahiisa midkoodna kumaan soo yeelan dareenka noocaas ah, Xataa Old Trafford gudihiisa”

Mikel Arteta ayaa xilli ciyaareedkii 2013-14 Anfield booqday isaga oo kabtan u ah Arsenal balse waxa ay kusoo guuldaraysteen 5-1 kulan 20-kii daqiiqo ee ugu horreeyay afar gool lagaga soo dhaliyay.