Bar-Tilmaameedka Ugu Weyn Ee Man United Ka Leedahay Suuqa Xagaagan Ee Bruno Fernandes Oo Qaaday Talaabo Kale Oo Farxad Galisay Jamaahiirta Red Devils.

Xiddiga bar-tilmaameedka u ah kooxda Premier League ee Manchester United Bruno Fernandes isla markaana qayb ka ah Sporting Lisbon ayaa lagu soo warramayaa inuu markale qaaday talaabo kusoo dhawaynaysa inuu usoo wareego Old Trafford.

Fernandes ayaa Sporting kasoo guuraya kaddib xilli ciyaareed aad u wanaagsan oo uu lasoo qaatay isaga oo 31 gool usoo dhaliyay tartamada oo dhan booska saddexaadna ka galiyay horyaalka heerka sarre ee Portugal.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer iyo kooxdiisa oo aad moodo kuwo doonaya inay xilli horeba suuqa ka adeegtaan ayaa isku dayaya inay saxeexiisa dhammaystiraan maalmaha soo socda.

Manchester ayaa ilaa haatan suuqa galisay £65 Milyan waxaana ay kula soo kala wareegtay Aaron Wan-Bissaka iyo Daniel James oo kaga kala yimid Crystal Palace iy Swansea City sida ay u kala horreeyaan.

Solskjaer ayaa doonaya inuu yareeyo cel-celiska da’da safka kooxdiisa oo uu xiddigo yar yar lasoo saxeexdo waxaana siyaasadiisa si haboon ugu soo baxaya Fernandes oo 24 sano jir ah.

Haddaba, Sheekada muranka dhalisay isla markaana loogu arkay Fernandes mid kusoo jeeda Old Trafford ayaa ah farriin uu ku qoray barta Instagram oo u muuqatay mid macasalaamayn ah oo uu kooxda kaga imanayo.

Bruno ayaa u mahad celiyay dhammaan shaqsiyaadka Sporting kaddib markii ay ugu coddeeyeen abaalmarinta xiddiga sanadka ee kooxdaas markii labaad oo xidhiidh ah.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay MVP, Abaalmarintii labaad oo xidhiidh ah oo MVP ah, Waxaan u mahad celinayaa dhammaan kabtanada iyo tababarayasha sidoo kale xiddigaha aanu koox wadaaga nahay iyo Shaqaalaha ee wixii ay isoo siiyeen xilli ciyaareedka dhexdiisa”