BANDHIGA JOSE: Kaddib Dabaaldegii Uu Ka Sameeyay Kulankii Juventus, Halkan Kaga Boggo LIX Jeer Oo Hore Oo Jose Mourinho Dunida Kaga Yaabsaday Dabaaldegyo Kala Duwan!!.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa kulankii ay dhawaan guusha soo laabashada ah kasoo gaadheen kooxda Juventus ka sameeyay dhacdo hadal hayn weyn ka dhex yeelatay kubadda cagta caalamka.

Special One ayaa dhegta is qabtay isaga oo sida uu saxaafada u sheegay mar dambe doonayay inuu maqlo aflagaadada jamaahiirta Juventus oo uu sheegay inay hadalo aan fiicnayn ku lahaayeen guud ahaan 90-kii daqiiqo ee kulanka.

Jose Mourinho.

Haddaba, Haddii Mourinho uu markan dhacdo lama filaan ah kasoo sameeyay Allianz Stadium iyo magaalada Turin, Waxa uu hore sidan oo kale uga soo sameeyay Camp Nou, Mestalla Stadium, Garoonka kooxdiisa haatan ee Old Trafford iyo garoomo kale oo badan.

Waxaan halkan ku xusi doonaa lix garoon oo ka baxsan kooxaha uu wakhtigaas Mourinho maamulayay oo uu dabaaldeg waali ah ku sameeyay kaddib guulo uu ku gaadhay oo taariikhiya.

Dabaaldegii Old Trafford

Dabaaldegii ugu horreeyay ee caanka noqday isla markaana si fiican loogu xasuusan karo Mourinho ayaa ahaa midkii uu ka sameeyay Old Trafford xilli ciyaareedkii 2003-2004 markii uu Champions League ku hoggaamiyay Porto, Kooxda Jose ayaa 2-1 kusoo adkaatay kulankii lugta hore waxaana ay intaas kaddib yimaadeen Manchester halkaas oo 1-0 hoggaanka looga hayay ilaa gool uu daqiiqadii 90-aad dhaliyay Costinha oo dabaaldeg waali ah ku qasbay Mourinho.

Video thumbnail

Colaadii ugu horreysay ee uu ka samaystay Camp Nou

Mourinho ayaa cadaawad ka samaystay Barcelona mudo dheer kahor intii uusan noqon tababaraha Real Madrid, Dhacdadaas ayaa dhacday 2006 markii ay Chelsea iyo Barca isku wajahayeen Champions League isla markaana uu Didier Drogba daqiiqadii 90-aad shabaqa kasoo taabtay kooxda Camp Nou

Video thumbnail

Dabaaldegii waalida ahaa ee Camp Nou

Dhammaan dabaaldegyada aan kor kusoo xusnay, Midkan ayaa ahaa midkii qasbay in Jose lagu sheego qof waalan, Mourinho ayaa qaab waali ah udhex cararay Camp Nou isaga oo farta ku fiiqaya jamaahiirta Barcelona kaddib markii Inter Milan uu ka xaadiriyay Final-ka Champions League, Murankii dhex maray isaga iyo Victor Valdes iyo qasabadaha biyaha cawska Camp Nou oo lagu furay ayaa sawir taarikhiya sameeyay.

Video thumbnail

Dhacdadii uu dhabarka kaga booday Jose Callejon

Dabaaldegan ayaa kamid ah kuwa ugu xusuusaha badan gudaha horyaalka La Liga Santander, Kaddib guul ay kusoo gaadheen Mestalla oo ah gegida Valencia bishii Novenber 2011, Mourinho ayaa u cararay dhinaca xiddigaha kooxdiisa ee is kulaylinta ku jiray isaga oo ku booday dhabarka Callejon.

Video thumbnail

Dabaaldegii uu ku hor sameeyay kursiga keydka Villareal

Sanadkii 2011 ayay ahayd markii Mourinho uu ku hor dabaaldegay kursiga keydka ee Villarael kaddib goolkii afraad ee kooxdiisa oo ka yimid dhinaca Ricardo Kaka, Dabaaldegan oo ahaa mid uu ku mutaystay in halka sarre ee garoonka la saaro ayuu kulanka kaddib ku sheegay inuu la dabaaldegayay wiilkiisa oo inta badan halkaas fadhiista.

Video thumbnail

Dabaaldegii duufaanta ahaa ee Manchester City

Mourinho ayaa sameeyay dabaaldeg lamid ah midkii uu Camp Nou ku sameeyay 2006 sanadkii 2012 kulan ka tirsan Champions League oo ay kahor tageen Manchester City, Gool uu dhaliyay Cristiano Ronaldo daqiiqadii 90-aad ayaa ku qasbay Mou inuu jilbaha ku cararo.

Video thumbnail