Aubameyang Oo Jamaahiirta Kooxdiisa Arsenal Ku Taageeray In Granit Xhaka Bisha January La Iibiyo.

Jamaahiirta kooxda Arsenal ayaa wada olole wayn oo ay maamulka kooxdooda kaga dalbanayaan in suuqa bisha January la iibiyo xidiga khadka dhexe ee Granit Xhaka laakiin waxaa si lama filaan ah ololahan u taageeray Aubameyang.

Xhaka ayaa kooxdiisa Arsenal waxa uu ciil badalay kulankii North London Derby kadib markii uu qalad waali ah oo rekoodhe keenay ku galay xidiga Tottenham ee Son taas oo keentay in Spurs ay ciyaarta ku soo laabteen.

Cadhadii taageerayaasha Arsenal ee Xhaka ayaan ilaa hadda dhamaan, waxayna baraha bulshada ka wadaan olole ay ku doonayaan in Xhaka la iibiyo bisha January iyaga oo waliba ku tilmaamay goobta ugu diciifsan ee kooxdooda looga soo dhaco.

Qormada lagu jeex-jeexayay Granit Xhaka ee baraha bulshada waxaa Like-gareeyay xidiga ay isku kooxda yihiin Pierre-Emerick Aubameyang taas oo keentay in taageerayaashii eedaynayay Xhaka ay sii heleen awood iyo markhaati kale.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ee dareemay in Aubameyang uu like-ta saaray qormada lagu sheegayay in Xhaka bisha January la iibiyo ayaa ku dooday in xataa Aubameyang uu dareemay dhibaatada Xhaka.

Aubameyang ayaa “like-gareeyay” muuqaal ay daawadeen dad toban kun ka badani kaas oo ciwaan looga dhigay  “Sell Xhaka in January! Troopz loses it!!” kaas oo lagu sheegayay in Xhaka la iibiyo bisha January.

Taageere ayaa markii uu arkay ficilka Aubameyang waxa uu soo qoray: “Xataa Auba ayaa like-gareeyay. Lololol Auba ayaa like-gareeyay”.

Taageere kale ayaa soo qoray: “Xhaka-ha dhabta ahi waa xidhiidhka ugu diciifsan ee khadkeena dhexe, kaydka dhiga isaga”.

Inkasta oo Xhaka uu cadho badan kala kulmayo jamaahiirta kooxdiisa Arsenal, haddana in Aubameyang oo ay isku koox yihiin uu Like-gareeyay muuqaal xidigan lagu eedaynayo oo lagu dalbanayo in la iibiyo ayaa xaalada uga sii dartay.