Aubameyang Oo Guul Muhiim Ah Ku Hogaamiyay Kooxdiisa Arsenal Iyo Shaxdii Muranka Dhalisay Oo Saddexda Dhibcood Ka Soo heshay Newcastle United.

Arsenal ayaa guul muhiim ah ku furatay xili ciyaareedka cusub ee Premier league kadib markii ay saddexda dhibcood ka soo qaateen kooxda Newcastle United. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kooxdiisa Gunners guusha ugu soo hogaamiyay goolka kaliya ee ay saddexda dhibcood ku soo heleen.

Inkasta oo ay Arsenal qaybtii hore ee ciyaarta wax goolal ah keensan kari wayday, waxaa shaxdii muranka dhalisay ee uu Emery soo xushay ceeb ka badbaadiyay Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo qaybtii labaad dhaliyay goolka uu xili ciyaareedka cusub ku furtay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKA:

ARSENAL (4-2-3-1): Bernd Leno; Ainsley Maitland-Niles, Calum Chambers, Sokratis, Nacho Monreal; Matteo Guendouzi, Granit Xhaka; Joe Willock, Henrikh Mkhitaryan, Reiss Nelson; Pierre-Emerick Aubameyang.

Kaydka: Emiliano Martinez, Dani Ceballos, Alexandre Lacazette, Lucas Torreira, Nicolas Pepe, David Luiz, Gabriel Martinelli.

NEWCASTLE (4-4-2): Martin Dubravka; Javier Manquillo, Fabian Schar, Jamaal Lascelles, Paul Dummett; Matt Ritchie, Jonjo Shelvey, Isaac Hayden, Sean Longstaff; Miguel Almiron, Joelinton.

SIDOO KALE AKHRISO:  UEFA Oo Jawaab Ka Bixisay Haddii Goolhayaha Liverpool Adrian Uu Jabiyay Sharciga Rigoorayaasha Markii Uu Kubada Ka Badbaadinayay Abraham

Kaydka: Karl Darlow, Ciaran Clark, Allan Saint-Maximin, Yoshinori Muto, Jetro Willems, Emil Krafth, Federico Fernandez


Arsenal ayaa doonaysay in ay qaab fiican ku bilaabto xili ciyaareedka cusub inkasta oo jamaahiirta Gunners ay cadho ka muujiyeen shaxdii uu Emery kulankan ku soo bilaabay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaan noqon mid ay labada kooxood goolal iska dhaliyeen waxayna labada kooxoodba ku fashilmeen in ay goolal u badalaan fursadihii ay heleen.

Daqiiqadii 17 aad Joelinton ayaa kooxdiisa Newcastle ka qasaariyay fursad uu goolka furitaanka ugu dhalin kari lahaa waxayna Gunners ka badbaaday halista ay dhibaatada ku mari lahayd.

Daqiiqadii 20 aad Newcastle United ayuu nasiibku ka xumaaday kadib markii uu Shelvey birta ku garaacay darbo goolka furitaanka ee ciyaarta noqon kartay waxayna Gunners markan heshay nasiib wanaagsan oo ay gool cadaan ah kaga badbaadeen.

Mkhitaryan ayaa daqiiqadii 23 aad  waxa uu fursad ay ahayd in uu si ka fiican u maamulo uu u diray cirka iyada oo lagu qeexay in uu kubbada u diray meerayaasha sare.

SIDOO KALE AKHRISO:  Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Man City & Tottenham Ee Kulankii Ay Labada Kooxood Barbaraha Ku Galeen Etihad Stadium.

Wax walba oo ay labada kooxood qaybtii hore sameeyeen waxay awoodi waayeen in ay goolal kala dhaliyaan, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta, ayay Arsenal bilawday in ay dagaal wayn u gasho sidii ay u jabin lahayd ismari waagii ciyaarta ee qaybtii hore soo taagnaa.

Daqiiqadii 58 aad P. Aubameyang ayaa gool dhalintiisii xili ciyaareedkii hore halkii uu kaga tagay ka bilaabay kadib markii uu kooxdiisa u saxiixay gookooda ugu horeeyay ee Premier League ee xili ciyaareedkan waxaana caawinta u sameeyay da’yarka A. Maitland-Niles waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Gunners hogaanka ku qabtay.

Daqiiqadii 64 aad Unai Emery ayaa khadka dhexe soo xoojistay wuxuuna kaydka uga yeedhay saxiixa cusub ee Dani Ceballos kaas oo kulankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah Gunners u saftay wuxuuna buuxiyay booskii J. Willock.

Daqiiqadii 71 aad ayaa noqotay waqtigii ay jamaahiirta Arsenal sugayeen markaas oo uu Unai Emery kaydka ka soo kiciyay xidiga taariikhda Arsenal ugu qaalisan ee Nicolas Pepe wuxuuna saaray R. Nelson.

SIDOO KALE AKHRISO:  Zinedine Zidane Oo Taleefanka Ka Wacay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool Si Uu U Keeno Real Madrid

Newcastle United ayaa raadinaysay qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd halka Arsenal ay doonaysay goolka labaad ama in ay ugu yaraan guusha ilaashato.

Emery ayaa badalkiisa saddexaad ka dhigtay Martinelli wuxuuna saaray H. Mkhitaryan waxaana la galay waqtigii ugu muhiimsanaa ee natiijada ciyaarta si rasmi ah loo go’aamin lahaa.

Daqiiqadii 89 aad Newcastle ayaa ku dhawaatay inay Arsenal murugo ku abuurto kadib markii uu Saint-Maximin helay fursad cajiib ah laakiin Maitland-Niles  ayaa maamulay in uu badbaadin ka sameeyo fursadan balse kubbada ayaa markale u tagtay Joelinton  kaas oo fursadan cirka u diray.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Arsenal guul muhiim ah ka soo gaadhay Newcastle United iyada oo Emery uu guushan uga mahad celinayo xidiga kooxdiisa ee Aubameyang oo goolka kaliya kulankan ku go’aamiyay.