Aubameyag Oo Iska Casilaya Kabtanimada, Ljungberg Oo Kalsoonidii Lagala Laabtay Iyo Mushkiladda Arsenal Oo Sii Socota

Advertisements

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Aubameyang ayaa iska diiday inuu wada-hadallo heshiis kordhin ah la furo kooxdiisa, waxaanu isku diyaarinayaa in marka uud hamaado xili ciyaareedku uu si buuxda iskaga casilo kabtanimada oo dhawaan loo magacaabay.

Weeraryahanka reer Gabon oo xili ciyaareedkii hore ku guuleystay abaal-marinta Kabta Dahabka ah ee Premier League, ayaa xili ciyaareedkan u saxeexay kooxdiisa 12 gool 17 kulan oo horyaalka ah oo uu ciyaaray, laakiin goolashaasi kama horjoogsanin Gunners inay u degto kaalinta 10aad ee kala-sarraynta horyaalka.

Aubameyang oo qandaraaska uu kula jiro Arsenal ay ka hadhsan tahay 18 bilood, ayaa rumaysan in aanu Emirates ka helin waxyaabihii uu rajaynayey markii uu Borussia Dortmund uga soo wareegayey January 2018, taas beddelkeedana waxa uu ku qasbayaa masuuliyiinta in ay iibiyaan xagaaga soo socda si aanu heshiis xor ah ugaga tegin marka uu qandaraaskiisu dhamaado.

Arsenal oo toddobaadkii hore shaqada ka caydhisay macallinkeedii Unai Emery ayaa waxay ku sugan tahay xaalad walaac leh, waxaana soo baxaya warar sheegaya in maamulka sare ay durba kasoo taagan yahay Freddie Ljungberg oo si ku-meelgaadh ah  shaqada u sii haya.

Advertisements

Gunners ayaa la sheegay in labadii maalmood ee ugu dambeeyey ay dardar gelisay baadi-goobka ay ugu jirto macallin cusub oo kooxda samata-bixiya, laakiin waxa kale oo uu culays saaran yahay agaasimaha Arsenal, Edu oo masuuliyadda iyo mushkiladahan xalkooda laga doonayo.

Advertisements