Arteta Iyo Arsenal Oo Daafac Ka Af-Duubanaya Pep Guardiola, Weeraryahanka Barcelona Kusoo Wajahan & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Advertisements

Asslamu Callaykum Waraxmatullahi Wabarakatu, Dhammaan akhristayaasha sharafta leh ee shabakaga Gool24 kusoo dhawaada xubinteenii wararka suuqa kala iibsiga iyo xogihii ugu dambeeyay ee ay saxaafada kala duwani ka qortay.

Advertisements

Waxaanu halkan hoose idiinku soo koobnay wararka suuqa ee qaarada Yurub kuwoodii ugu muhiimsanaa ee ay warbaahinta kala duwani maanta oo Khamiis ah ay ka qoreen kubadda cagta.

Fiiro Gaar Ah: Shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqonimada wararka halkan ku xusan maadaama oo ay kaliya xigasho naga tahay isla markaana uu warkasta xuquuqdiisa leeyahay il wareedka ku hor xusani.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Tottenham ayaa bar-tilmaameedsanaysa weeraryahanka kooxda Real Sociedad ee Willian Jose xilli uu 28 sano jirkaasi wadahadalada u joogo magaalada London. (AS)

Chelsea ayaa PSG u gudbisay dalab ay qaab amaah ah inta xilli ciyaareedkan ka dhiman kaga doonayso weeraryahan Edinson Cavani. (Times – subscription required)

Aabaha dhalay weeraryahankaas ayaa sheegay in Cavani uu ku biiri doonto Atletico Madrid haddii ay labada kooxood heshiis gaadhaan. (Guardian)

PSG ayaa ugu yaraan ka doonaysa Arsenal lacag 5 Milyan oo euro ah haddii ay bishan doonayaan saxeexa daafaca bidix ee Lyvin Kurzawa. (Telegraph)

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay Tottenham kala xaajooto suurogalnimada ay dib ugaga iibin karto Gareth Bale balse waxa ay ka werwer qabaan qaab dhismeedka uu heshiiskaasi ku suurogalayo. (Telegraph)

Leicester City ayaa ku dhaw inay la saxeexato daafaca dhexe ee kooxda Southampton ee Jannik Vestergaard kaddib markii ay dalab 15 Milyan ah ka gudbiyeen . (Sun)

Bayern Munich ayaa go’aansatay inaysan heshiiska amaahda ah ee xiddigeeda Phillipe Coutinho ka dhigin mid rasmi ah. (Bild, via Mirror)

Tottenham oo suuqa ugu jirta bedelka Harry Kane oo mudo dheer maqnaanaya ayaa qorshaynaysa inay dalabkii labaad ka gudbiso weeraryahanka Fenerbahce ee Vedat Muriqi. (Aksam, via Sport Witness)

Daafaca Shakhtar Donetesk ee Mykola Matviyenko oo lala xidhiidhinayay Manchester City iyo Pep Guardiola ayaa wadahadalo kula jira Arsenal sida uu xaqiijiyay wakiilkiisu. (Football.London)

Da’yarka weerarka Arsenal ee Gabriel Martinelli ayaa la filayaa in heshiis saddex jibaarka mushaharkiisa haatan ah ay Gunners siiyaan dhammaadka xilli ciyaareedkan xilli uu qaab ciyaareedkiisu keenay inay la socoto Real Madrid.(Mail)

Kubad dilaha kooxda Athletico Paranaense ee Bruno Guimaraes oo lala xidhiidhinayay Arsenal ayaa u muuqda mid u wareegaya dhinaca kooxda Lyon. (L’Equipe, via Mirror)

Barcelona ayaa isha ku haysa inay soo gabo-gabayso heshiis amaah ah oo ay Valencia kaga soo qaadanayso weeraryahan Rodrigo Moreno kaddib markii ay ku fashilmeen Aubameyang (Sport)

Chelsea ayaa ka fikiraysa inay suuqa xagaaga gabi ahaanba iska iibiso goolhayaha kooxdeeda ee Kepa Arrizabalaga iyaga oo doonaya inay lasoo saxeexdaan goolhayaha Burnley ee Nick Pope oo wacdarro dhigaya. (90Min)

 

Advertisements