Arsene Wenger Oo Ka Hadlay Saamaynta Ole Gunnar Solskjær Ee Man United Iyo Sababtii Ka Caawisay In Uu Xaalad Fiican Ugu Bilawday Old Trafford.

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger oo hadda ka hawl gala telefishanka BeIN Sports ayaa ka hadlay sababtii dhabta ee Ole Gunnar Solskjær ka caawisay in uu kalsooni badan ku helay waayihiisa Old Tafford markii uu badalka u noqday Jose Mourinho oo shaqada United laga caydhiyay.

Ole Gunnar Solskjær ayaa gabi ahaanba badalay xaaladii Manchester United uu kagala wareegay Jose Mourinho bishii December ee dhamaadkii sanadkii hore wuxuuna hadda u muuqdaa mid maamulka United ku qasbaya in shaqada si rasmi ah loogu dhiibo.

Arsene Wenger ayaa la fikrad noqday Alan Shearer oo markii Jose Mourinho shaqada laga caydhiyay tilmaamay in maamulka Man United ay sii qorsheeyeen waqtiga ugu fiicnaa ee Ole Gunnar Solskjær uu xilka la wareegi karayay maadaama oo ay kulamo sahlani jireen taas ayuuna Arsene Wenger sharaxaad ka bixiyay sida ay xaqiiq u ahayd isla markaana ay Ole Gunnar u caawisay.

Arsene Wenger ayaa sheegay in shantii kulan ee Manchester United ugu horeeyay waqtigii uu Ole Gunnar Solskjær la wareegay ay ahaayeen shan kulan oo la guulaysan karayay isla markaana uu kulan kastaba ka sii helayy kalsooni ilaa intii u soo gaadhayay waqti uu si buuxda uu kalsooni ugu helay shaqada uu hayo.

Arsene Wenger oo ka hadlaya saamayntii Ole Gunnar Solskjær ee Man United ayaa yidhi: “Markii uu Mourinho  baxay, shantii kulan ee xigay waxay ahaayeen kuwo la guulaysan karayay. Guul kastaaba kalsooni ayay siisay. Hadda Man United waxay aniga ahaan noqotay koox weerar rogaal celis ah ugu ciyaarta ciyaartoy aad u dhaq dhaqaaq badan”.

Arsene Wenger oo ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaana dhexda ku jira hal nin oo ah sida Pogba kaas oo awood u leh in uu abuuro farqiga ugu horeeya”.

Arsene Wenger oo ka hadlaya isbadalka Pual Pogba kadib bixitaankii Jose Mourinho ayaa yidhi: “Jose Mourinho mar kastaba waxa uu ku tagi jiray anshax marinta qof kastaba. Pogba waa ciyaartoy kubbada cagta ah oo fantastik ah laakiin marar qaar waa bilaa anshax. Waxaad haysataa Matic iyo Herrera oo hadda u shaqaynaya, sidaa daraadeed, waxa uu soo bandhigi karaa hibadiisa”.