Arsene Wenger Oo Banaanka Soo Dhigay Laba Dhibaato Oo Uu Maleynayo Iney Paul Pogba Ku Heystaan Manchester United.

Tababarahii hore Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in Paul Pogba ay laba dhibaato ku heysato garoonka Old Trafford, midi ay tahay inuusan jir ahaan u diyaarsaneyn maadaama ay dhaawacyo galeen iyo sidoo kale inuusan ku faraxsaneyn joogista kooxda 20-ka jeer heysata horyaalka Ingiriiska.

Xiddiga heysta abaalmarinta koobka Adduunka ayaa ku fashilmay inuu qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigo kooxdiisa fasal ciyaareedkaan, sidoo kalana wuxuu dhaawac ku seegay kulankii ay guuldarada ka qaateen kooxda Newcastle United.

Wenger wuxuu aaminsan yahay in Paul Pogba uu ku fakarayo in Red Devils aysan wakhtigaan aheyn mid la tartami karta kooxaha Liverpool & Man City, sidoo kalana ay dhaawacyada hoos u dhigeen bandhigiisii quruxda badnaa oo uu kusoo bandhigi jiray garoomada.

“Marka hore, waxey ila tahay in Paul Pogba uusan ka bogsoon dhaawac tan iyo bilowga fasal ciyaareedkaan” ayuu yiri Arsene Wenger oo fadhiyay BeIN Sport.

“Sidoo kale waxaan arkay habeenkii Arsenal, gabi ahaan uma muuqan qof leh kalsooni jireed iyadoo aan ognahay inuu Paul yahay nuuca ciyaartoyda awoodooda jireed isticmaala”

“Wuxuu u baahan yahay inuu jir ahaan taam noqdo”

“Marka taas laga tago, marka ciyaariyahan uu doonayo inuu baxo, isla markaana aad ka hor istaagto, waad ku qasban tahay inaad dib u dhisto xiriirka idiin dhaxeeya, waxa ugu horreeya ee dhibaatu ka imaaneyso waa qaab cyaareedka”

“Waxaan si shakhsiyan ah ugu fakarayaa sidoo kale inuu ogyahay Man United ineysan wakhtigaan aheyn koox u tartami karta hanashada horyaalka”

“Waxaana dheeri ah, xaqiiqadu iney tahay iney ka hor istaageen inuu baxo, waxey u muuqataa in labadaas arrin ay isugu tageen, taasna ay waxyar dhibaato ah ku keeneen qaab ciyaareedkiisa”