XOG: Eden Hazard v Maitland-Niles, David Luiz vs Aubameyang Iyo Shanta Goob Dagaal Ee Ay Chelsea Iyo Arsenal Ku Kala Guulaysan Karaan Finalka Europa League.

Kulamadii Chelsea Vs Arsenal Ee Tartamada Kooxaha Yurub Ay Hore Iskugu Arkeen:

Xili ciyaareedkii 2003/2004 kii Chelsea iyo Arsenal ayaa isku arkay siddeed dhamaadka UEFA Champions league waxayna markaas Chelsea awooday in ay Arsenal ka cidhibtirtay tartanka Champions league.

Muddo hadda laga joogo 15 sanadood oo ku beegan 2004 kii waxay Chelsea iyo Arsenal isku haleeleen siddeed dhaamadkii Champions league waxayna ciyaartii Stamford Bridge ka dhacday ee lugtii ay ay Arsenal awooday in ay 2-1 ku soo garaacday Chelsea.

Eidur Gudjohnsen iyo Robert Pirès ayaa laba gool ku dhaliyay Stamford Bridge laakiin Arsenal ayaa kulankii lugtii labaad u muuqatay in ay soo baxayso kadib markii uu José Antonio Reyes gool u saxiixay sidaana uu Blues xaalada ugu xumeeyay.

Laakiin Wayne Bridge ayaa markaas noqday geesiga lama filaanka ahaa ee Chelsea laakiin Frank Lampard ayaa isna shabaqa ka soo taabtay Gunners waxayna Blues ku soo gudubtay wadarta labada Kulan oo 3-2 ahayd.
Saamaynta London Derby Iyo Finalka Europa league:

Chelsea iyo Arsenal markii horeba waxaa ka dhexeeyay xifiltan wayn oo ku salaysan in ay magaalada London ka wada dhisan yihiin, waxaana waqtiyo badan lagu soo doodayay midka ah kooxda ugu wayn ee London ka dhisan.

Laakiin finalka Europa League ee xili ciyaareedkani waxa uu sii laba jibaari doonaa xifiltankii London Derby ee Chelsea iyo Arsenal iyada oo Petr Cech iyo Olivier Giroud uu mid kastaaba ka hor iman doono kooxdiisii hore.

Petr Cech oo taariikh wayn ku leh Chelsea ayaa kulankiisii ugu danbeeyay ee waayihiisa ciyaareed waxa uu noqon doonaa kulanka uu Blues kaga hor imanayo finalka Europa League wuxuuna noqon doonaa mid khaas u ah haddii uu Gunners ka caawiyo in ay koobka qaadaan.

Haddaba akhriste, Chelsea iyo Arsenal kooxdee ku guulaysan doonta koobka UEFA Europa League ee Baku ka qabsoomi doona?

3 Comments

  1. Runtii waa kulan adag anigu waxan ahay tageere chelsea ah marnaba kama soo horjeesanayo kooxdayda lkn meelo aan arsenal kaga fiicanahay ayaa jira iyaguna meelo ay nagaga fiican yihiin ayaa jira arsenal weeraryahano fcn ayey haystaa dufaacana waxba iskuma dhaano lkn waxan umalaynayaa dhexda inaan kagaga fiicanahay guul ayn urajaynayaa inshlh chelsea

  2. Anigu waxan Ahay taageere city ah ciyaartana waxan guul u rajaynayaa Arsenal inay koobka qaado Arsenal 2-1 chelsea

  3. Chelsea waa koox waayo arag ah marka la joogo kulamada yurub.
    Chelsea 3 Vs 1 Arsenal
    Hazard will be best player and our hero

Comments are closed.