XOG: Eden Hazard v Maitland-Niles, David Luiz vs Aubameyang Iyo Shanta Goob Dagaal Ee Ay Chelsea Iyo Arsenal Ku Kala Guulaysan Karaan Finalka Europa League.

Waa Sidee Rekoodhka Taariikhda Ee Fool-ka-Foolka Ah Ee Chelsea Vs Arsenal?

Arsenal iyo Chelsea waqti dheer ayay ku soo tartamayeen heerka ugu saraysa kubbada cagta England waxayna kulankoodii ugu horeeyay wada ciyaareen sanadkii 1907 kii.

Guud ahaan Arsenal iyo Chelsea ayaa soo wada ciyaaray 197 kulan oo tartamada oo dhan ah, waxaana gacanta sare haysata Arsenal oo 77 jeer garaacday Blues.

Chelsea ayaa 63 jeer guudaro baday Arsenal hala 57 kulan ay barbaro soo galeen kooxaha reer London ee Gunners iyo Blues oo finalka Europa League ku balansan.

Xili ciyaareedkan waxay Chelsea iyo Arsenal soo wada ciyaareen laba Kulan iyada oo kulankii Stamford Bridge ay Blues guul 3-2 ah ka gaadhay Arsenal laakiin kulankii horaantii sanadkan ee Emirates Stadium ayay Gunners ku aarsatay guul 2-0 ahayd.

Chelsea iyo Arsenal ayaa min laba jeer soo gaadhay finalka UEFA Cup/UEFA Europa League waxayna markii ugu danbaysay ee ay Chelsea finalka soo gaadhay ahayd sanadkii 2013 kii oo ay Benfica koobka kaga qaaday 2-1.

Arsenal ayaa iyaduna soo gaadhay laba jeer oo finalka UEFA Cup/UEFA Europa League ah waxayna markii ugu danbaysay ee ay finalka tartankan soo gaadhay ahayd sanadkii 2000 kii markaas oo ay kooxda  Galatasaray barbaro gool la’aan ah isku dhaafi waayeen balse ay  Galatasaray rekoodhayaal 4-1 ah guul ku gaadhay.

Waa Sidee rekoodhka Chelsea iyo Arsenal Ku Leeyihiin Kulamadii Tartamada UEFA Ee Ay Kooxaha Ingiriiska La Soo Ciyaareen?

Chelsea waxay kooxaha Ingiriiska la soo ciyaartay 17 kulan oo tartamada kooxaha Yurub ah waxayna soo guulaysatay 6 kulan oo ka mid ah, waxay soo guuldaraysatay 4 kulan halka 7 kulan ay barbaro la soo gashay kooxaha England ee ay Yurub iskaga hor yimadeen.

Arsenal waxay kooxaha Ingiriiska tartamada Yurub kaga hor timid 6 kulan oo kaliya mana jirto hal Kulan oo ay soo guulaysatay waxayna la soo kulantay 4 guuldaro iyo 2 barbaro ah waana rekoodh walwal ku abuuraya jamaahiirta Gunners.

3 Comments

  1. Runtii waa kulan adag anigu waxan ahay tageere chelsea ah marnaba kama soo horjeesanayo kooxdayda lkn meelo aan arsenal kaga fiicanahay ayaa jira iyaguna meelo ay nagaga fiican yihiin ayaa jira arsenal weeraryahano fcn ayey haystaa dufaacana waxba iskuma dhaano lkn waxan umalaynayaa dhexda inaan kagaga fiicanahay guul ayn urajaynayaa inshlh chelsea

  2. Anigu waxan Ahay taageere city ah ciyaartana waxan guul u rajaynayaa Arsenal inay koobka qaado Arsenal 2-1 chelsea

  3. Chelsea waa koox waayo arag ah marka la joogo kulamada yurub.
    Chelsea 3 Vs 1 Arsenal
    Hazard will be best player and our hero

Comments are closed.