XOG: Eden Hazard v Maitland-Niles, David Luiz vs Aubameyang Iyo Shanta Goob Dagaal Ee Ay Chelsea Iyo Arsenal Ku Kala Guulaysan Karaan Finalka Europa League.

1- Jorginho Vs Granit Xhaka

Jorginho oo doorka ugu wayn ee khadka dhexe ee Chelsea qaadan doona haddii uu Kante seego ayaa dagaal xoogan la gali doonta Granit Xhaka oo isna ka mid ah hubka uu Unai Emery doonayo in uu Maurizio Sarri ku khaarajiyo.

Inkasta oo uu Jorginho xili ciyaareedkan la soo kulmay eedayn badan isla markaana ay jamaahiirta Blues marar badan soo jeediyeen in Sarri uu kaydka dhigo, haddana taasi umay diidin in uu ka mid ahaado ciyaartoyda Chelsea ugu muhiimsan.

Jorginho waxa uu isku xidhi doonaa Barkley iyo Kovacic iyada oo la filayo in baas bixintiisa fiicani ay awood siin karto in uu ciyaarta yeedhin karo laakiin waxaa dhibaatada ugu wayn ku noqon doona Xhaka oo ah ciyaartoy taakalo badan sameeya.

Xhaka waxaa caawin doona Lucas Torreira waana labada xidig ee ugu taakalka badan Gunners kuwaas oo isku darsan doona in ay weerarka kubbada gaadhsiiyaan isla markaana ay Jorginho iyo asxaabtiisa khadka dhexe u diidaan in ay ciyaartoyda garoonka la soo galaan.

Sidaa daraadeed, dagaalka dhex mari dooan Xhaka iyo Jorignho ayaa door wayn ku yeelan kara kooxda koobka ku guulaysan karta.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Ay Chelsea Iyo Arsenal Ku Soo Shirtagi Karaan:

Chelsea waxaa dhaawacyo kaga maqnaan doona ciyaartoyd kala ah Loftus-Cheek , Hudson-Odoi , Antonio Rüdiger iyo Ampadu kuwaas oo aan dhamaantood wax door ah ku yeelan doonin finalka Europa League.

Waxa kale oo uu shaki ku jiraa taam ahaansha N’Golo Kante kaas oo ay ilwareedyo badani sheegeen in uu seegi doono finalka Europa league balse Sarri ayaa samayn doona wax walba oo suurtogal ah oo uu ku heli karo Kante.

Haddii sida la filayo uu Kante dhaawacan ku maqnaado waxaa saddexda khadka dhexe ee Chelsea buuxin doona Jorginho, Barkley iyo Kovacic. Waxa kale oo uu shaki ku jiraa taam ahaansha Gary Cahill oo kooxda ka baxaya.

Dhinaca Arsenal, waxaa dhaawac kaga maqan afar ciyaartoy oo kala ah Aaron Ramsey, Denis Suárez , Hector Bellerín iyo Rob Holding.

Waxa kale oo Arsenal ka maqnaan doona Mkhitaryan kaas oo sababta colaada dalalka Armenia iyo Azerbaijan ku seegaya finalka Eururopa League ee Baku ka dhacaya sida ay hore Arsenal ugu dhawaaqday.

Danny Welbeck oo isna Arsenal si xor ah kaga baxaya ayuu shaki ku jiraa haddii uu taam u noqon karo kulankan oo door ku yeelan karo.

Halkan kaga bogo Shaxaha Macquulka Ah Ee Chelsea Vs Arsenal Ee Finalka Eurpa League

Chelsea XI: Kepa Arrizabalaga; Azpilicueta, Christensen, David Luiz, Alonso; Kovačić, Jorginho, Barkley; Pedro, Oliver Giroud, Eden Hazard

Arsenal XI: Petr Čech; Kolasinač, Koscielny, Sokratis Papastathopoulos, Mustafi, Maitland-Niles; Xhaka, Torreira; Aubameyang, Özil; Lacazette

3 Comments

  1. Runtii waa kulan adag anigu waxan ahay tageere chelsea ah marnaba kama soo horjeesanayo kooxdayda lkn meelo aan arsenal kaga fiicanahay ayaa jira iyaguna meelo ay nagaga fiican yihiin ayaa jira arsenal weeraryahano fcn ayey haystaa dufaacana waxba iskuma dhaano lkn waxan umalaynayaa dhexda inaan kagaga fiicanahay guul ayn urajaynayaa inshlh chelsea

  2. Anigu waxan Ahay taageere city ah ciyaartana waxan guul u rajaynayaa Arsenal inay koobka qaado Arsenal 2-1 chelsea

  3. Chelsea waa koox waayo arag ah marka la joogo kulamada yurub.
    Chelsea 3 Vs 1 Arsenal
    Hazard will be best player and our hero

Comments are closed.