XOG: Eden Hazard v Maitland-Niles, David Luiz vs Aubameyang Iyo Shanta Goob Dagaal Ee Ay Chelsea Iyo Arsenal Ku Kala Guulaysan Karaan Finalka Europa League.

Kooxaha reer London ee Chelsea iyo Arsenal ayaa caasimada dalka Azerbiajan ee Baku ugu kulmaya finalka UEFA Europa League waana kulan labada kooxood u arkaan mid ay xili ciyaareedka kooxahooda kaga dhigi karaan mid guulaystay.

Chelsea waxay haddaba u soo baxday tartanka UEFA Champions League oo ay xili ciyaareedkii hore ka maqnayd kadib markii ay Blues ku dhamaystay afarta kaalmood ee ugu sareeya Premier League.

Laakiin Arsenal in ay Champions League u soo baxdaa waxay kaga xidhan tahay in ay guulaysato finalka Europa League  taas oo Unai Emery iyo kooxdiisa Gunners ka caawin karta in ay markooda ku soo laabtaan tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Chelsea waxay doonaysaa in koobka Europa League uu noqday koobkii ay kaga bixi lahaayeen abaarta koob la’aanta ee xili ciyaareedkan kadib fashilkii ay Man City kagala kulmeen finalkii EFL Cupka.

Marka laga yimaado ujeedooyinka aan soo sheegnay ee kooxaha Chelsea iyo Arsenal waxaa xamaasada kulankan waali ka dhigi doona saamaynta London Derby ee xifiltankii sanadaha badan ee kooxaha Blues iyo Gunners.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa wararka labada kooxood ee ka hor kulankan, shaxaha macquulka ah, goobaha ay ku kala guulaysan karaan iyo taariikhdii ay abid isku soo lahaayeen Chelsea iyo Arsenal ee tartamada Yurub iyo kuwa maxaliga ah.

Haddaba halkan kaga bogo warbixin dhamaystiran oo aanu idiinka diyaarinay finalka UEFA Europa League ee dhex maraya kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Shan Goobood Oo Ay Ku Kala Guulaysan Karaan Kooxaha Chelsea Iyo Arsenal:

5- Eden Hazard v Ainsley Maitland-Niles

Eden Hazard oo ah xidiga ugu muhiimsan Chelsea isla markaana ay wax badan ka rajaynayaan jamaahiirta Blues maadaama oo uu noqon karo kulankiisii ugu danbeeyay ee Chelsea ayaa si toos ah u wajihi doona dayarka Maitland-Niles.

Habeenka uu Eden Hazard ku jiro xaaladiisa ugu fiican, ma jiro difaac joojin karaa laakiin Unai Emery ayaa xidiga reer Belgium u xil saari doona da’yarka Ainsley Maitland-Niles oo xili ciyaareedkan ka soo badiyay wixii laga filayay.

Ainsley Maitland-Niles waxaa uu leeyahay awood raacasho iyo weerar ka qayb qaadasho oo cajiib ah, waana sabab uu xili ciyaareedkan uga mid yahay ciyaartoyda ugu muhiimsan ee Gunners.

Eden Hazard waxa uu leeyahay laba arimood oo si khaas ah u dhiiro galinaya, mar ahaan waa kulankiisii final ah ee tartamada Yurub ugu horeeyay, mar labaad waxa uu doonayaa in uu koobkan keeno Stamford Bridge maadamaa oo uu u arko in uu yahay kulankiisii ugu danbeeyay ee maaliyada buluuga ah.

Eden Hazard ayaa finalkii tartamada kooxaha Yurub ee sanadkii 2013 kii waxa uu ku seegay dhaawac taas oo hadda xiiso wayn u abuuraysa in uu Chelsea ku matalo kulan final tartamada kooxaha Yurub ah.

Laakiin Ainsley Maitland-Niles oo 21 sano jir ah ayaa difaaca midig ka soo ciyaarayay xili ciyaareedkan  iyada oo waliba aanu ahayn difaac midig oo kaliya balse uu xoojinta garabka weerarka uu si layaableh uga soo ciyaaray kulamadii Napoli iyo Valencia oo uu gool caawino soo sameeyay.

Dagaalka dhex mari doona Eden Hazard iyo Ainsley Maitland-Niles ayaa noqon doona mid saamayn wayn ku yeelan kara ciyaarta oo ay Chelsea iyo Arsenal ku kala guulaysan karaan.

Riix 2,3,4,5 si aad wax walba oo kulanan Chelsea iyo Arsenal ah u sii akhrisato

3 Comments

  1. Runtii waa kulan adag anigu waxan ahay tageere chelsea ah marnaba kama soo horjeesanayo kooxdayda lkn meelo aan arsenal kaga fiicanahay ayaa jira iyaguna meelo ay nagaga fiican yihiin ayaa jira arsenal weeraryahano fcn ayey haystaa dufaacana waxba iskuma dhaano lkn waxan umalaynayaa dhexda inaan kagaga fiicanahay guul ayn urajaynayaa inshlh chelsea

  2. Anigu waxan Ahay taageere city ah ciyaartana waxan guul u rajaynayaa Arsenal inay koobka qaado Arsenal 2-1 chelsea

  3. Chelsea waa koox waayo arag ah marka la joogo kulamada yurub.
    Chelsea 3 Vs 1 Arsenal
    Hazard will be best player and our hero

Comments are closed.