Arsenal & Tottenham Hotspur Oo Ku Dagaalamaya Xidig Ka Tirsan Kooxda Manchester United.

Kooxaha reer London ee Arsenal & Tottenham Hotspur ayaa la warinayaa in dagaal adag uu suuqa kala iibsiga xidiga ku dhex mari doono madaama mid walba oo ka mid ah labadan koxood ay raacdo ugu jirto xidig ka tirsan kooxda ugu guulaha badan Eglan ee  Man United .

Difaaca  Mayalka adag Manchester United ee Eric Bailly ayaa lagu soo waramayaa in xiligan uu diirada u saran yahy  kooxaha reer London ee kala ah  Arsenal iyo  Tottenham Hotspur Si ay difaacooda ugu xoojiyaan .

Bailly waxa uu ku qaadanayaa kooxda ku ciyaarata  Old Trafford sanadkiisii sadaxaad ,balse  24-jirkaan ayaa la rumeysan yahy in uusan ahayn xidig uu macalin Jose Mourinho la dhacaysan yahay qaab ciyaareedkiisa xili ciyaaredkan waxaana badal lagu saaray Ciyaarii united aya guusha soo laabashada leh ay ka gaartay Kooxda Newcastle United.

Qanaaska qaranka  Ivory Coast ayaa kaliya lagu soo bilaabay Shan kulan oo kaliya dhamaan tartamada ay kooxdiisa ciyaartay Xili ciyareedkaan, waxaana ay kooxda baadi goob ugu jirta xidig difaaca ka ciyaari kara si ay kooxda ugu soo xoojiyaaan suuqa bisha janaayo

Sida uu ku waramayo war sidaha  caaanka ah ee Daily Star, Kooxaha  Arsenal iyo Spurs ayaa kor kala socda  xaalada Xidigan ka hor inta aysan  Ka gudbin dalab rasmi ah kadibna aysan kooxdooda kusoo darin suuqa bisha Janaayo waaba ahadii loo ogolaadeee.

United ayaan u badneyn inay si dhaqso ah xidigan kooxda uga diro , waxaana macquul gal ah in ay aqbalaan  hadii dalab weyn uu kaga imaado kooxha reer London  Iyo in  Mourinho uu kooxdiisa kusoo kordhiyo xidigo difaaca ka ciyaara si loo buuxiyo booska uu baneyn doono .

Bailly ayaa kooxda kusoo biiray sannadkii 2016, waxaana ilaa hada uu kooxda u sagftay     kulan waxana lawada ogyahy in ciyaaryahanka qandaraaska uu kula joogo kooxda ka dhisan Waqooyiga-Galbeed Eglan ka dhisan uu Egyahy ilaa sannadka 2020ka.